WAJAALE NEWS

Dawladda Hoose Ee Magaaladda Laas-caanood Oo Albaabada loo laabay

Laascaanood(Wajaalenews) Dawladda Hoose ee Laascaanood ayaa maanta albaabada loo laabay kadib markii muran iyo gacan ka hadal Xildhibaanada Golahaasi ku dhex maray Miisaaniyadda Golaha ee 2015-ka oo la soo hor dhigay.

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Taliyaha Booliiska ayaa xidhay fadhigii kadib markii muran iyo Buuq ku dhex maray Xildhibaanada Miisaaniyad sanadeedka soo socda, taasoo ay isla af-garan la’yihiin Xildhibaanadu.laascaanood

Mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Laascaanood ayaa sheegay in khilaafku ka taagan yahay Miisaaniyadda Golaha ee 2015-ka taasoo ay Xildhibaanada badankoodu diidan yihiin balse Maayarka iyo xubno koobani ku sandulaynayaan, isagoo sheegay in aanay Xildhibaanadu ogolayn.

Ajandaha Golaha Deegaanku maanta ku soo talo galeen ayaa ahaa in laga doodo Xeer hoosaadka Golaha Deegaanka Laascaanood oo aan Goluhu samaysan labadii sano ee uu Xilka hayey, hase yeeshee Maayarka ayaa soo hor dhigayu Ajande Miisaaniyadda khuseeyaa, kaasoo Goluhu doraad cod aqlabiyad ah ku diiday.

Badhasaab ku-xigeenka iyo Taliyaha Qaybta oo ka tirsan Guddida Nabadgelyadda Gobolka ayaa bixiyey amar ay Booliisku ku xidhayaan Xarunta Dawladda Hoose, kadib markii ay xildhibaanadu Dagaal gacan ka hadal ah isku weerareen

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version