WAJAALE NEWS

Tirinta Codadka Doorashada Somaliland Oo Socota

Hargaysa(W,N)-Tirinta Codadkii maanta laga dhiibtay doorashada madaxweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa billaabatay.

 

Somaliland ayaa  Soomaaliya ka go’day ,sanadkii 1991, ayaa la filayaa in doorashadan ay xoojiso ololaha ay Somaliland ku doonayso in lagu aqoonsado in ay dal madaxbannaan yihiin.

Xarumaha codeynta oo la furay saaka 6-dii aroornimo ayaa la xidhay 6-dii makhribnimo. Dadka qaar waxay safafka galeen saacado ka hor intaysan furmin.

In kabadan 700 kun oo Codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddax musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

 

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muuse Biixi oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo ah hoggaaminaya Xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya Xisbiga UCID.

Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku takhasusay dhaqaalaha ayaa go’aansaday in uu xilka banneeyo ka dib markii hal xilli uu hayay.

Guddiga doorashada ee Somaliland ee NEC ayaa sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada lagu dhawaaqo.

Somaliland oo yeelan doonto madaxweynihii shanaad ayaa shantii sanaba mar qabata doorasho madaxtinimo.

Markii tirinta codadka ay billaabatay, waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xidhiidhto sida Facebook, WhatsApp, iyo Twitter.

Guddiga doorashada oo arrintaasi ku amray shirkadaha isgaadhsiinta wuxuu sheegeen in ay ka hortagayaan “wararka beenta ah”.

Balse hay’adda u dooda xuquuqda aadamaha ayaa cambaareysay tallaabadaas, waxayna sheegtay “war helidda in ay muhiim u tahay doorasho xor iyo xalaal ah”.

 

Exit mobile version