Muddo 18 sano ah ayaa laga joogaa maanta markii uu geeriyooday Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ahaa madaxweynihii Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland (1993-2002) iyo Ra’isulwasaarihii Soomaaliya (1967-1969).
wuxuu ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika 3 bishii May 2002dii isaga oo ah 73 sano jir isaga kaalin weyn oo hoggaamineed ku lahaa siyaasada bulshada Soomaaliyeed muddo dhan qarni barkii.
Waxa uu ku dhashay degmada Oodweyne 1929, isaga oo wax ku bartay dugsigii magaca weynaa ee Sheekh, markii dambena waxbarasho u tegay dalka Ingiriiska.
Waxa uu markuu hanaqaaday ka mid noqday dadkii horseedka u ahaa halgankii gumaysigii Ingiriiska dalka lagaga xoreynayey isaga oo xoghaye guud ka noqday Xisbigii SNL ee dhaliyey gobannimada gobollada Waqooyi.
Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, yaraan ayuu ku dhashay dareenka siyasadda, sida uu ii sheegay Korneyl Suleymaan Cumar-ku-joog. Isaga oo tilmaan ka bixinaya qofnimada Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi: “Siyaasadda ayaa maskaxda kaga jirtay, aabbihiina ganacsiga.”
Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahaa macallimiintii ugu horreeyey Somaliland waxa uu sheegay in uu Cigaal ka mid yahay laba ardaydiisa ah oo rumeeyay riyooyinkoodii. “Markay iskuulka ku jireen arday walba waxanu waydiin jirnay maxaa doonaysaa inaad noqoto? laba nin baa waxay odhan jireen rumeeyey, Xasan-kayd oo odhan jiray millateri baan rabaa inaan noqdo iyo Cigaal oo odhan jiray waxan doonayaa inaan siyaasi noqdo.
Cigaal iyo dareenka siyaasadda
Yuusuf Xaaji Aadan oo ka sheekeeyay madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim wuxuu yiri: “Cigaal magac buu siyaasadda u galay ee maaliyad uma gelin, waanu ku guulaystay. Siyaasadu marna maskaxdiisa kama bixin.” Cigaal wuxuu ka mid noqday naadigii Pan Africanism ee u dhaqdhaqaaqayey madaxbannaanida Afrika iyo Afrika oo midowda, isaga oo wax ku baranayey dalka Ingiriiska.
Halkaas buu kala soo noqday dareen halgan, waana kii markiiba isaga oo dhallinyaro ah xoghaye guud u noqdday xisbigii SNL ee laga soo gaabiyay Somali National League ee hormuudka u ahaa madaxbannaanida gobollada Waqooyi ee hadda ah Somaliland 26 Juun 1960.
Halgankaa madaxbannaanida Somaliland waxa kale oo u dheeraa halgan kale oo uu ku baadigoobayey midowga shanti Soomaaliyeed. Wuxu iskaga dabqaaday dhammaan gobolladdii ku jiray gacanta gumaysiga, isaga ayaana ahaa Raysal Wasaaraha Somaliland markii ay la midowday Soomaaliya 1 July 1960.
Midnimada kadib iyo Raysal wasaare Cigaal
Kolkii Soomaalidu madaxbannaanida qaadatay 1960 waxa yaraa waayo-aragnimada Soomaalidu u leedahay siyaasadda iyo dawladnimada. Sidaa darteed waxa markiiba lagu dhacay dabin ujeeddadiisu wanaagsanayd balse jidka loo marayey qaldanaa, kaas oo ahaa baadigoobka midnimadii shanta Soomaaliyeed iyo sida saddexdii hadhay ugu soo biiri lahaayeen labadan xoroobay.
Arrintaas hoggaamiyeyaashii Soomaalidu dhib ayey kala kulmeen, waxana ay ka faquuqmeen dalalkii deriska ee Itoobiya iyo Kenya iyada oo Jamhuuriyaddii Soomaaliya go’doon siyaasadeed dunida ka gashay. Arrintaas waxa u sabab ahaa bisayl la’aanta siyaasiyiinta Soomaalida iyo iyaga oo aan dib ugu noqon taariikhdii gumaysi ee Soomaalidu soo martay iyo aragtidii gumeystayaasha.
Haddaba markii uu madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke u magacaabay Cigaal Raysal wasaare sannadkii 1967dii, wuxuu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal u janjeedhay dhinaca dawladaha reer galbeedka la yimid siyaasad furfuran oo lagu wajahayo qadiyada dalalka maqan iyada oo halka laga duulayaa tahay in dadyowga Soomaaliyeed ee dalalkaa ku nool loo dabafadhiisto qadiyadda aaye ka tashiga ee aan la hor cararin.
Siyaasaddaas cusub ee Cigaal la yimid waa uu u guuxay madaxweyne Cabdrishiid waxana laga ansixiyey baarlamaankii iyo xisbigii, sidaas baana xidhiidhkii dalalka derisku dib ugu furfurmay, dunidii reer galbeedkuna way soo dhowaysay.
Wax yar kadib askartii kacaanka ayaa la wareegay xukunka dalka iyaga oo afgembiyay dowladdii kadib markii la dilay madaxweyne Cabdirashiid sannadkii 1969. Cigaal na wuxuu xabsi ku qaatay 12kii sanno ee xigay. Laakiin ka hadhin siyaasadda oo uu ku sii jiray ilaa uu ka geeriyooday isaga oo mar walbana meesha uu joogo wax ku biirinayey.
Kolkii dalka lagu kala yaacay waxa uu qayb ka noqday shirarkii dib u heshiisiinta gaar ahaan kuwii Jabuuti ka dhacay 1991 oo uu isagu shir guddoominayey.
Dhismihii Somaliland
Maxamed Xaaji Ibraahim Wuxuu noqday madaxweynihii labaad ee Somaliland isaga oo lagu doortay shirkii Boorama bishii May 16kii, sannadkii 1993dii. Laakiin Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo aqoonyahan ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa ku tilmaamay Maxamed Ibraahim Cigaal in uu yahay aabbihii dhismaha Somaliland-ta cusub ee dhidibbada u taagay qaran ku dhisan nabad, dimuqraadiyad iyo wada-tashi.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dadka isaga ayaa hoggaamin jiraye dadku ma hoggaamin jirin. intuu dheeraa hoggaamiyeyaashii kale waa intaa, dadkuna way ku kalsoonaayeen. Waxa uu ahaa nin waxa uu qabanayo garanaya oo ku-dhac leh:
“Nin siyaasad ahaan bisil oo adduunyada yaqaan ayuu ahaa. Nin xal nabadeed keeni kara, dalkana dhisi kara ina Cigaal uun baa jiray. Kuwa kale waxa ay kari la’ayihiin wixii dhisnaaba inay maamulaan oo hagaag u maamulaan, laakiin isagu meel aan waxbaba jirin oo khilaafku badan yahay, dadku hubaysan yahay oo meel walba la isku haysto shaqo la’aan, colaad, dayday ayuu wax ka dhigay,” ayuu yiri Dr Bulxan.
Nin siyaasad ahaan bisil oo adduunyada yaqaan ayuu ahaa. Meel aan waxbaba jirin oo khilaafku badan yahay, dadku hubaysan yahay ayuu wax ka dhigay.
__________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________
Xasan Cabdi Madar waa qore buugaag taariikheed oo dhowr ah oo uu ka mid yahay buugga Duco-qabe: Halgankii iyo Siyaasaddii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Qoraalkani waa fikraddiisa,