WAJAALE NEWS

Goob-joogayaasha Caalamiga Ah Ee Ka Qayb Galay Doorashadii Madaxtooyada Oo Soo Bandhigay Dhacdooyinkii Ay La Kulmeen

Hargeisa(W.N):-Goobjoogayaasha caalamiga ah ee ka qayb galay doorashadii madaxtooyada somaliland ayaa soo bandhigay dhacdooyinka ay la kulmeen mudadii ay kormeerayeen goobaha codbixinta ee guud ahaan dalka somaliland.

Goobjoogayaasha caalamiga ah oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay arkeen dhacdooyin aan u wanaagsanayn nidaamka ay doorashadu u dhacday, iyaga si gaar ah u tilmaamay inay jiraan arimo dareen leh oo caqabad ku noqday doorashada.

Korjoogtada oo ay maalgeliso Briatian waxay ka kooban yihiin 60 xubnood oo ka kala socda 27, waxay sheegeen in ay jiraan arrimo ay welwel ka qabaan oo ay arkeen markii ay kormeerayeen doorashada.

style=”font-size:16px;”>Goobjoogayaasha caalamiga ah ee kormeerayey doorashadii madaxtooyada somaliland oo ka koobnaa 60 goobjooge isla markaana ka socday dalal gaadhay 27 waddan ayaa waxa maal galinaysay dawlada Ingiriiska.

Goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa si gaar ah u xusay in qaar ka mid ah goobaha codbixinta ay ku arkeen dad aan qaangaadh ahayn oo codaynaya taas oo su,aal galinaysa xalaal nimada doorashada.

Madaxa goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada madaxtooyada somaliland Michael Walls oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa sheegay inay arkeen waxyaabo badan khaladaad ah “Waxa jiray oo aanu aragnay arimo khalad ku ah doorashadii dhacday isniintii iyo hanaankii codbixinta iyo waliba tirinta, waxaana noo cadaatay in khaladaadkaasi ay ahaayeen kuwo yar oo aan saamayn ku yeelan karin hanaanka guud ee doorashada, waxaanan ku qanacnay in doorasho kasta oo wadamada caalamka ka dhacda aanay boqolkiiba boqol sax ahayn balse ay doorashadu leedahay waxyaabo badan oo la sixi karo isla markaana xaga wanaagsan lagu soo celin karo, waxaanan soomaliland ugu hambalyeynaynaa qaabkii ay doorashadu ka qabsoontay iyo sida amaanka ah, waxaanan shacabka ugu baaqaynaa inay wadaan taageerada nabada ka hana qaaday somaliland.”

Dhinaca kale goob joogayaasha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyey go’aankii ay guddida doorashooyinka somaliland ku xidheen baraha ay bulshadu ku kulanto “In la xidho baraha ay bulshadu ku kulanto waa talaabo adag oo xadidaysa xoriyada ay dadku haystaan iyo inay aragtiyahooda gaarka ka dhiiban karaan nidaamkii doorashada, taas oo ah mid ay ogol yihiin sharciyada caalamiga ahi, waxaanu walaac ka qabnaa go’aankaas guddida doorashadu ku dhaqaaqeen, waxaana muuqata inaanay soo bixin ujeedadii laga lahaa in la xidho baraha ay bulshadu ku kulanto,

Guud ahaan shacabka wadanka Somaliland iyo caalamka ayaa si weyn looga sugayaa natiijada doorashadii madaxtooyada somaliland ee ay ku dhawaaqi doonaan guddida doorashadu.

Exit mobile version