Hargeysa(Wajaalenews)-Madaxweynaha Jamhuuradda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta ka qaybgalay xuska Sanad-guuradii 21-aad ee kasoo wareegtay Aasaskii ciidankii Booliska Somaliland.
Munaasibadda Xuska aasaaska Ciidanka qaranka oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Booliska somalilnad, ayaa waxa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland, Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada, waxana ay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay.
Ugu horayn waxa Halkaas ka Hadlay Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxana uu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee Boolisku soo maray, waxana uu tilmaamay inay horumar ballaadhan ku tallaabsadeen ciidamada kala duwan ee booliska Somaliland Somaliland oo sanadahan ugu dambeeyey ay kusoo biirayeen Ciidamo gaar ah oo shaqooyin loo baahnaa dalka ka qabanayaa.
Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo isaguna halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inay ciidadu yihiin rukni qaranka muhiim u ah oo lagu nasto, waxana uu sheegay inay dhawaan oodda ka qaadi doonaan Ciidamada ilaalada shidaalka dalka laga qodayo oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo degreeto ku sharciyeeeyey.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) oo halkaas ka Hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo qaybgalo munaasibadda Ciidanka Booliska Loo sameeyey, waxana uu xusay muhiimadda ay ugu fadhiyaan Qaranka u Hoggaamiyaha ka Yahay,“waxa farxad weyn ii ah inaan maanta kasoo qaybgalo 21-guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliska. Booliskuna waa ciidamada aynu ku fadhino ee ilaaliya Nabadgelyadeena. Dalku Hadii aanu Haysan ciidamo Heegan ah oo wax tara oo feejig oo usoo jeeda aanu haysan dalkaasi xasili mayo degina mayo, markaa waxan hambalyo u dirayaa meel kasta oo ay joogaan ciidamada Boolisku iyo xaasaskoodu.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale sheegay inuu wax ka qaban doono tabashad kasoo noqotay Qaybtinta derejooyinka ciidamada kala duwan ee Dalka, waxana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay saxaan oo turxaan Bixiyaan wixii tabasho ah ee jirta.
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM