WAJAALE NEWS

Doorkii Dhalinyarada Somaliland Oo Maqan!

Hadbba dhaliyaradu waa lafdhabata iyo xoogga Dalka iyo dadkuba leeyahay wanna cida qaranka u horseedi karta horumar

 

Somaliland waxay u baahantahay 10,000 oo dhalinyara ah oo sameeya kacdoon ka Dhan ah qabyaalada iyo musuqmaasuqa ragaadiyay dalkeena kana dhigay Dal dhaliyaradiisii ka tahriibto intii tahriibka ka soo hadhayna siyaasiyiintu sifo, khaldan u adeeggsadaan si ay ugu gaadhaan danahoodda siyaasadeed iyo middooda dhaqaalaba. Hadbba dhaliyaradu waa lafdhabata iyo xoogga Dalka iyo dadkuba leeyahay wanna cida qaranka u horseedi karta horumar iyo badhaadhe Alle ka sakoow, sidookale WA iyaga Cida loo adeegsado duminta iyo dibu dhaca waddanka. Ugu danbayn waxaan Baaq u dirayaa dhamaan dhaliyarada  Somaliland meelkastay joogaan waxaan leeyahay maanta waddankeenu wuxu marayaa marxalad xaasaasiya oo ah  inuu hore u socdo iyo inuu dib u noqdo waxaynu kaga gudbikarnaa marxaladan cusub iskuduubni iyo wadajir, iyo in aynu ka fogaano la  safashada xisbiyada tartanku ka dhexeeyo.

 

WA bilaahi towfiiq

 

By: Cabdixaafid Axmed Hurre

 

 

 

 

Exit mobile version