WAJAALE NEWS

3 Sano oo ka waxtar-badan 8 Sano! (Qayb. II-aad)

Guusha Xukuumaddu Waa guusha Ummadda!: Xukuumaddu waxay si Xarrago leh u fulisay ballan-qaadkii ay la gashay Dhallinyarada
Horumar Muuqda, Himilo Toosan iyo Hiigsi Dhab ah!

|W/Q : Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh | |Hussein Deyr||UK|

1. Dhallinyaradu waa Mustaqbalka iyo Aayaha Ummadda ee Berrito:
Ummad walba horumarkeeda waxaa door muhiim ah ka qaata oo saldhig u ah kolba siday u daryeelaan ee ay ugu dedaalaan horumarinta Da’yarta iyo Dhallinyarada. Waayo, iyagaa ah Mustaqbalkii iyo Aayihii ummadda ee berrito. Da’yarta iyo Dhallinyaradu waa difaacayaashii Qaranka ee berrito, waa Barayaashii berrito, waa Dhakhaatiirtii berrito, waa Garyaqaannadii berrito, waa Cashuur-bixiyeyaashii berrito, waa Dal-dhisayaashii berrito, waa…, waa…., waa Madaxdii iyo Hoggaamiyeyaashii berrito. Ummaddii Da’yarteeda iyo Dhallinyaradeeda hagrataa, waxa hubaal ah inay hagradeen Aaayihii iyo Udub-dhexaadkii dalka iyo dadka ee berrito.

Dhallinyarada Jam.Somaliland waxay u dhabar-adaygeen duruufo nololeed oo aad u qallafsan, iyagoo marwalba muujinayey samir, dulqaad iyo dedaal ay kolba wixii noloshu baddo isku dayayeen inay sida ugu habboon kaga gudbaan. Dhallinyarada Jam.Somaliland iyagoo ku nool gobol ay ku gedaaman yihiin colaado iyo khataro kale oo halis ku ah jiritaanka da’yarta (sida: xag-jirnimda, arga-gixisada, budh-cad badeedda, tahriibta, iwm) ayaa haddana waxay ku guulaysteen inay gebi ahaanba ka dhawrsadaan u hanqaltaagga dariiqyada ku aroora halaagga iyo lugooyada da’yarta. Waxay iimaansadeen oo ku qanceen ahaanshahooda ummadnimo waxayna aamineen ciiddooda iyo Calankooda Tawxiidka leh.

Hadda ka hor; Xukuumadahii talada dalka isaga dambeeyey iskuma ay howlin inay Da’yarta iyo Dhalinyarada u dejiyaan Qorshe iyo Jangooyo Qaran oo ku wajahan Mustaqbalka dambe ee jiilka cusub. Waxaa laga yaabaa in xukuumadahaasi arrimo kale ay muhimadda saarayeen, balse wax lagu tabco waxa ugu muhiimsan da’yarta iyo jiilka dambe ee dalkan berri u hadhaya!!

2. Xukuumaddu waxay kor u qaaday Hanka iyo Himilada ay
leeyihiin Dhallinyarada Jam.Somaliland:
Qofka kasta oo dhallinyaro ah oo jecel inuu shirrabo ama ka midho-dhaliyo hankiisa iyo hammigiisa siyaasadeed, marka qof isaga ka weyn oo uu biday waayo-aragnimo ama wax-aqoon uu is-yidhaahdo wax-weydiin ogaal iyo su’aalo la xidhiidha xagga arrimaha siyaasadda ka warayso; jawaabaha ka fiirsasho la’aan ay dadka waaweyni diyaarka la ahaayeen ee badaanaba dhallinyarada dhegahooda ku soo dhici jiray waxa ka mid ahaa: “Adeer weli waad da’ yartehee siyaasadda ha ku mil-min! Wax iska baro ama haya’dahaa shaqo ka raadso! Adeer siyaasaddu way xuntehee waqtigaaga iyo mustaqbalkaaga ha isaga luminin!!”

Ka hor Xukuumaddda M/weyne Ahmed Silaanyo, waxay ahayd ma dhacdo iyo arrin aan laba haweysan karin in dhallinyaradu ay si muuqata uga qayb qaataan arrimaha siyaasadda. Talada dalka oo ay ka qayb galaan hadalkeedba daaye! Dhallinyarada Jam. Somaliland way ka rejo dhigeen, haabkana kumay hayn inay beryahan iyo beryahan wax fursad ah u heli doonaan inay xisbiyo iyo ururro siyaasadeed ka qayb qataan, iska soo sharrixi karaan amaba loo dooran doono inay qabtaan xil bulsho oo culus oo distoori ah, sida mudane ka tirsan Golaha Sharci Dejinta Degaanka.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ee hadda talada haysa ka hor, waxay ahayd ma dhacdo iyo arrin aan la hawaysan karin in la arko dhalllinyaro da’yar oo Qaranka ka haya Xilal iyo masuuliyado culus. Xagga horumarka iyo ka qayb-galka siyaasadda ama talada Qaranka waxa Dhallinyarada ka xigay derbi weyn iyo xannibaado aanay ka gudbi karin. Dadka da’da weyn ee weligoodba iyagu talada Qaranka hoggaaminayey kumay talo gelin, qorshahana uguma jirin haba yaraatee in Dhallinyaradu ay beryahan aga-gaarkooda ka so dhawaadaan, waayo dantooda ayaan sidaasi ku jirin.

Haddaba, Dabarkii iyo Xakamihii Dhallinyarada ku xidhnaa ee ka horjoogay inay talada dalka wax ku yeeshaan waxaa ka furay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo taasoo ay Dhallinyaradu u hayaan abaal raaga iyo mahadnaq aan xad lahayn.

Haddaba, Isbeddelka dhabta ahi waa kii Rejo iyo Yididiilo geliya, isla markaana Cod u yeela qaybo muhiim ah oo bulshada ka mid ah oo aan Codkooda hore loo maqli jirin. Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo iyo Xisbul Xaakimkuba ku ballan qaadeen ayaa haa: “In ay dhallinyaradu talada dalka qayb weyn ku yeeshaan, oo ay heer kasta oo maamulka dawliga ahba si mug leh uga muuqdaan”. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay si xurmo iyo xarragoba leh u fulisay ballan-qaadkii ay la gashay Dhallinyarada . Xukuumaddu waxay suurto gelisay arrin mucjiso ku ah Qaaradda Afrika. Waxay suurto-gelisay inuu dhasho Kacaan Dhalinyaro oo ku yimid Dimuqraadiyad iyo rabitaanka shacabka.

Waxaa nasiib wanaag iyo wax aad loogu farxoba ah waaga-cusub ee u beryey Dhallinyarada reer Somaliland. Run ahaantiina waxa abaal iyo ammaanba mudan Xukuumadda dhiirri-galisay in hanka iyo himilada dhalinyaradu uu kor u koco, kaasoo ah isbeddel dhab ah oo la taaban karo oo dalka oo dhan ka dhacay. Inta taariikhda la ogyahay, mar haddii ay masuuliyiintii ugu da’da yaraa ee soo mara taariikhda Jam. Somaliland ay maantaba talada dalka heer Qaran, heer Gobol iyo heer Degmoba ay si buuxda uga qaybqaateen iyagoo cod iyo kalsooniba ka helay Xukuumadda iyo shacabkooda, miyaanu dhicin isbeddel la yaab leh oo ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo horseed ka tahay!!

3: Gaba-gabo:
Waxaan aaminsanahay in Madaxweyne Ahmed M. M. Silaanyo uu yahay Hoggaamiye Magac, Maamuus iyo Miisaanba ku leh Gobolka Geeska Afrika. Waa Hoggaamiye leh Dulqaad, Dedaal wacan iyo Talo-wadaagba. Isaga ayey ummaddu u dooratay inuu daadeheeyo dalka iyo dadkaba. Wuxuu madaxweyne u yahay dhammaan ummadda Jam.Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, inta isaga u codaysay iyo intii aan u codaynba. Waxaa loo baahan yahay in Xukuumaddiisa lala shaqeeyo oo aynu garab is-taagno dedaalka uu ku jiro. Wixii dhalliil ah ee jira ama ay Xukuumaddiisu ka gaabiso, iyadoo la adeegsanayo xeerarka dalka u dhigan iyo xuquuqda Distooriga ah ee Muwaadinku leeyahay, waa inaynu si quman oo toosin iyo dal-dhisba leh ugu sheegno arrimaha baraa-rujin iyo toosinba u baahan.

Madaxweynaheennu wuxuu inaga mudan yahay Xurmo iyo Qadarin iyo Xilka uu innoo hayo oo lagu taageero. Tilmaamaha Togan ee ay Diinta iyo Dadnimaduba ina farayaan ayaa sidaas ah!
Xaasha! Inagamana Mudna Aflegaado, Xumaan iyo Xag-xagasho Mindaba!!

ALLAA Mahad Leh, Wa Billaahi Tawfiiq

Jam.Somaliland Ha Noolaato!

|W/Q: Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh | |Hussein Deyr||UK |

Exit mobile version