WAJAALE NEWS

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Oo Hambalyo Iyo Bogaadin Udiray Jaaliyada Reer Somaliland Cardiff,

Warsaxaafadeed

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi oo kamid ahaa qurba joogta Birmingham Dalka Ingiiriska iminkana ka tirsan goolaha degaanka Burco Wuxuu ku hanbalyeeyey Jaaliyada Somaliland Cardhiff . Gaar Ahaan Guddidi ictiraafka ka midho dhaliyay aqoonsiga somaliland oo ka kooban 15 xubnood .waxaan sido kale hanbalyeynayaa golaha deganka Cardhiff oo ictiraafay Somaliland maanta oo khaamisa waa guul Somaliland uu soo hoyatay .

Waaxa iyaguna xusid mudan oo an hanbalyeynaya waftigi miisanka culus lahaa ka qayb galay Ee ay ka mida ahaayen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax Waxaan Hanbalyaynaya Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud oo mudadi uu xilka uu hayay ay yimaaden ictiraafka Cardhiff iyo sheffeild Iyo Horumar Balaadhan Oo Xaga Siyaasada Arrimaha Dibada ah.

ugu danbayntii waxaan baaq u diryaa dhamaan jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan Wadanka UK sida fiican uga soo qayb galen maanta. waxaan kula dardarmaya inay u midooban qadiyada Somaliland. Waxaan rajeynaya in magaalada 3aad Somaliland ictiraftaana ay noqonto caasimada labaad Ingiriiska Birmingham oo meel fiican marinaysa. Waxaanan Guud ahaanba Jaaliayada Reer Somaliland Ku Kala Nool Caalamka Ku Boorinayaa Inay Dhinacooda Ka Galaan Dedaalka Xoogan Ee Loogu Jiro Ictiraaf Raadinta Somaliland.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi

Somaliland 4ever

Exit mobile version