WAJAALE NEWS

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Maayarka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Joojiyey Dhamaan Hawlahii Dawlada Hoose.

HARGEISA(Wajaalenews);Kalfadhigii 21aad Ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Ayaa U Furmi Kari La’ Khilaaf La Sheegay In Uu U Dhaxeeyo Maayarka Iyo Ku-Xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa, Kuwaas Oo Kala Ololaysanaya Taageerada Xildhibaanada Kale.

Golaha Deegaanka Hargeysi Waxay Illaa Laba Toddobaad Tahli Kari La’ Yihiin In Ay Fadhiistaan Isla Markaana Wax Ka Qabtaan Qorshayaashii Fuli Waayey Kalfadhigii Dhamaaday Iyo In Ay Qorshayaal Cusub Dajistaan Kalfadhigan, Waxaana Ugu Wacan Sida Ay Wararka Ka Soo Baxayaa Sheegayaan Khilaaf Gaadhsiisan In Maayarka Iyo Ku-Xigeenkiisu Midba Mid Ka Kale Mija Xaabiyo.

Caasimada Hargeysa Oo Ah Magaaladda Ay U Taliyaan Golaha Deegaanka Hargeysa Waxa Ka Muuqata Dayacnaan Balaadhan, Waxaana Goob Kasta Buux Dhaafiyey Qashin, Iyadoo Sida Caadada U Ah Golaha

Deegaanka La Arko Iyaga Oo Qashinka Xaadhaya Marka Madaxweyne Axmed Siilaanyo Dibeda Usoo Baxayo Sida Shalay Oo Kale.

Meelaha Isha Qashinka Buux Dhaafay Sida Xooga Ah U Qabanayso Waxa Ka Mid Ah Bartamaha Magaaladda Hargeysa Gaar Ahaana Iliiladaha Qashinka Qaada Ee Baar Hargeysa Iyo Togdheer U Dhaxeeya, Kuwaas Oo Ay Ku Yaalaan Maqaaxiyo Bunka Laga Cabo Oo Ay Dadku Ku Kulmaan Xilli Kasta, Waxaanad Arkaysaa Dadka Goobahaas Ku Qaxweeya Oo Dul Fadhiya Qashin.

Caafimaad Darro Iyo Muuqaal Indhuhu Diidayaan Oo Dawladda Hoose Khilaafkeedu Sabab U Yahay Ayaa Hadheeyey Goob Kasta Oo Hargeysa Ah, Waxaanad Arkayaa Fiidkii Xiliga Dadka Badankoodu Suuqa Usoo Muraadsadaan Iyagoo Isku Milmeen Qashinkii Iyo Meheradihii Ka Ag-Dhawaa, Kuwaas Oo Aad Ka Walaacayso In Aad Qaarkood Ka Cuntayso Ama Wax Ka Iibsato.

Maamul Xumada Golaha Deegaanka Hargeysa Hadhaysay Waxay Sababtay Xataa In Jidkii Dhexe Ee Shirkadda China Horn Group Dhisaysay U Xaniban Yahay Dhaqaale La’aan, Isla Markaana Ay Ku Joojiyeen Goolada Jigjiga Yar Ee Shacabka, Kadib Markii Shirkaddu Ka Wayday Lacagtii Ay Ku Samayn Lahayd Inta Ka Hadhay.

Boobkii Iyo Bixinta Dhulkii Danta Guud Ahaa Ayaa Wali Ka Sii Socda Dawladda Hoose Kadib Markii Khilaafkii Dhex Maray Dawladda Hoose Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud La Hakiyey, Isla Markaana Xukuumada Dhexe Soo Dhex Gashay, Waxaanad Markasta Oo Aad Tagto Xarunta Dawladda Hoose Indhaha Ku Kala Qaadaysaa Faylal Ay La Yaacayaan Xildhibaanada Dawladda Hoose Iyo Madaxda Kale Ee Dawladda Qaarkood.

Si kastaba ha ahaatee xaalada ay ku sugan tahay caasimada somaliland ee hargaysa ayaa laga dayrinayaa inuu ka dilaaco cudurada noocyadooda kala duwan kuwaas oo uu hadheeyey qashin buux dhaafiyey goobaha halbolaha u ah caasimada somaliland ee hargaysa.

maayarka iyo ku xigeenkiisa ayaa khilaaf in badan huursanaa dibada usoo baxay kaas oo la garanayey halka uu salka ku hay,balse khilaafkaas soo kala dhexe galay maayarka iyo ku xigeenkiisa waxa uu hakiyey dhamaan hawl maal-meedkii ka socday dawlada hoose.

 

Exit mobile version