WAJAALE NEWS

Cali Guray Oo Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Ku Eedeeyay Shakhsi Hore U Boobay Hantidii Ummadda Ka Dhaxaysay Oo Aan Dalka Lagu Aamini Karin.

(Wajaalenews) Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID,  Mujaahid  Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray) ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna murashaxa Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, shakhsi hore u boobay hantidii ummadda ka dhaxaysay oo aan dalka lagu aamini karin, sidaana wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartuu ku leeyahay shabakadda bulshada ee Facebook. Qoraalka Muj: Cali Guray ayaa u dhignaa sidan.

“Somaliland mid keliya ah oo sharcigu sareeyo oo loo siman yahay ayuu Muuse Biixi Cabdi (Murashaxa Xisbiga KUlMIYE) Axdi ku galay Prof. Axmed Ismaciil Samaterna la qaatay.

Intay is yaqaanaan yaraa! Mise Muuse Biixi  ayaan Muusihii aan aqaanay ahayn ee sinaanta iyo ku dhaqanka sharciga ceebta u yaqaanay? Ma Muuse Biixi ayaan  ahayn Muusihii aan aqaanay ee isagu keligii isla waynaa inta kale oo dhamina la yaryarayd. Wuxuu yidhi “Waxanu ku heshiinay  Prof. Samatar, in musuq-maasuqa lala dagaalamo. Dee waa haduu aroorta hantida dadwaynaha oo dhan iska wareejiyo, haddii kale musuq-maasuqna waan dagaalamayaa hantidii dadku wada lahaana inta ugu badan anigaa keligay wada yeelanaya ee i aamina xagee laga dheelaa?” Sidaa waxaa yidhi Mujaahid Cali Guray.

Wajaalenews/Hargaysa/Office.

 

Exit mobile version