Marka laga yimaado muhiimada juquraafi ahaan dalkeenu u leeyahay aduunka intiisa kale, bal aan si kooban u eegno ahmiyadiisa xaga siyaasada.
Way badanyihiin dowladaha Somalida daneeyaaye aan tusaale usoo qaato Masar iyo Ethopia.
Masar iyo Ethopia waxa u dhexeeya dagaal nololeed oo salka ku haya qaybsashada biyaha wabiga Nile ka.
Wabiga nile ka dhererkiisu waa 6,650km waxaanu maraa 12 dal oo Africa ah, sanadkii biyaha mara waxaa lagu qiyaasay 84 billion cubic meter.
Qaybsashada biyaha wabiga waxa laga gaadhay heshiisyo door ah oo uu ugu caansanaa midkii dhacay 15 May 1906 oo u dhexeeyay boqortooyadii England iyo Ethopia, iyo sidoo kale heshiiskii dhacay 1959 markay Sudan Xoriyada heshay oo u dhexeeyay Masar iyo Sudan. Dhamaan heshiisyadani waxay wabiga gacanta u galiyeen Masar iyagoo xaqiray dalalka kale ee uu wabigu maro.
Hadaba Horaantii qarnigii 22aad ayay Ethopia sicad ugu dhawaaqday in heshiisyadii lagu qaybsaday biyaha wabiga Nile ku ay ahaayeen qaar cadaalad daro ah oo iyaga lagu xaqirayo maadaaba oo 80% biyaha qul qulkoodu ka bilaabmaan Ethopia, bilowdayna qorshe lagu dhisayo biyo xidheenkii ugu waynaa tariikhda Wabiga Nile ka.
Masar oo iyada noloshoodu ku xidhantahay biyaha ayaa si cad u sheegtay inay dagaal iyo geeri ka xigaan in wabiga cidi taabato, hadalkaasi wuxuu war war galiyay nabada galyada labada dal oo mid waliba uu ku adkaystay mow qifkiisa.
Dalalka aduunka ee iyagu danaha dhaqaale iyo siyaasadeed kalahaa labadan dal ayaa iyagu si wayn ugu baratamay inay ka faa idaystaan khilaafkooda.
Ugu danbayntii Somalida oo Ethopia xad lawadaagta, Masar na caqiido la wadaagta ayaa chance u heshay inay labada dalba u arkaan Muhiimada koobaad.
Masar waxay istustay inay Somalida oo lagu yaqaano geesino iyo dhiiranaan xaga dagaalka ahi ay yihiin cida kaliya ee la dagaal gali kana heli karaan saldhigyo militery oo muhiim ah, taasina ay caawin karta in la jabiyo Ethopia.
Halka Ethopia oo iyaga Somalida ay ka dhaxayso colaad guuna iyo muranka dhulkii guumaytuhu siiyay ee asal ahaan Somalidu lahayd oo wali ay ka jiraan jabhado, ay ka cabsi qabaan in Kala aarsi xoogan dhaco.
Islama markaana Rabaan in Somalidu dhex ka ahaato ama soo raacaanba Xagooda, Si ay taasi usuuro gashana laydhka laga dhaliyay biyaha wabiga nile lagaadhsiiyo Somalida.
Horaantii bishan April ayay ahayd markay Masar wafti kasocdaa dalka yimaadeen iyagoo ka hadlaya dano is xulafaysi islamarkaana sameeyay balan qaadyo doora oo ay wax kula qaban doonaan Somalida.
Hadaba su’aashu waxay tahay tolow madaxdeenu ma ogyihiin Chance ka mise waa Dameer malabsida?
Maka aarsan doonaan Masarida oo iyagoo chance ka ka faa’idaysanaya wax ma ka waydiin doonaan, dadkeenii masakiinta ahaa ee Kalyaha iyo beerka lagala baxay?
Mase ka hoos bixi donaan guumaysiga ganacsi ee dahsoon iyo faragalinta meelaha qaarkood ee Ethopia?
Mise sida ay u daawanayaan ayaa lagu kala tagi?
MCL Abdirahim Ahmed Ibrahim
Abdirahim Midnimo
Hargeisa. Somaliland