WAJAALE NEWS

Tirada Dhimashada Oo Koradhay Gobolka California Iyo Dabka Oo Wali Socda

California,(W,N)-Waxaa sii koradhay tirada ku dhimatay dab xoogan oo ka kacay gobolka California ee dalka Mareykanka.

 

 

Tirada ayaa imika maraysa 40 qof oo ku dhimatay dabkan 6 maalmood ka hor ka bilaabmay gobolkaasi.

Boqolaal qof ayaa sidoo kale la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen waxaanu dabkan ka kacay gobolka California ku burburay kumannaan guri.

Badhasaabka gobolka California ayaa sheegay in uu dabkani yahay musiibadii ugu waynayd ee soo marta taariikhda gobolka.

In ka badan 10,000 oo ah shaqaalaha dab damiska ayaa la daalaa dhacaya sidii ay u xakamayn lahaayeen dabkan xooggan.

Dabaylo ku kacaya xawaaro dhan 70 kiilo mitir saacadii ayaa waxa ka dhashay in dabku uu si dhakhso ah ugu baaho magaalooyiin cusub.

Magaalooyinka uu dabku aadka u saameeyay waxaa ka mid ah Santa Rosa oo ku taalla waqooyiga magaalada San Francisco, halkaas oo dabku uu dhulka la simay.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa ku barakacay dabkani gobolka California ee dalka Mareykanka.

Exit mobile version