19kaasi ayaa la sheegay inay dhamaantoo ka wada tirsanaayeen xarun kalya.
Dabkan oo illaa iyo hada la joojin la’a yahay ayaa burburiyey gebi ahaan hal tuulo, waxaana sidoo kale hada qax xoogan ka socdaa tuulooyin kale oo badan oo uu dabkaasi kusoo dhawaaday.
Dabka ka soconay Yarnell Hill ayey wararku shegayaan iney sii xoogeysanayeen saacadahii dambe ee xalay iyadoo dabka uu kusii baahay qeybaha kale.
Dabkan oo illaa iyo hada la joojin la’a yahay ayaa burburiyey gebi ahaan hal tuulo, waxaana sidoo kale hada qax xoogan ka socdaa tuulooyin kale oo badan oo uu dabkaasi kusoo dhawaaday.
Dowlada Maraykanka ayaa amar ku bixisay in dadka ka ag dhaw goobaha uu dabka soo gaaray inay guryahooda isaga baxaan.
Barakac ayaa ka dhashay waqooyiga magaalada Phoenix iyadoo dadka udhow keymaha Yarnell Hill ay bilaabeen iney isaga baxaan xaafadaha ay deganyihiin maadama dabka uusii balaartay.