19 Qof Oo Dabdamiyayaal Ahaa Ayaa Ku Geeriyootay Dab Ka Ka Holcaya Kaymaha Yarnell Hill Ee Gobolka Arizona Dalka Mareykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
19 Qof Oo Dabdamiyayaal Ahaa Ayaa Ku Geeriyootay Dab Ka Ka Holcaya Kaymaha Yarnell Hill Ee Gobolka Arizona Dalka Mareykanka.
July 2, 2013 - Written by Wariye:

ggggggggggggUgu yaraan 19 ruux shaqaalaha dab-demiska gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa ku dhimatay dab xoogan oo ka kacay keymaha gobolka Arizona.

enitor-ka gobolka Arizona ayaa uxaqiijiyay wakaalada Wararka AFP wuxuuna sheegay in shaqaalaha Dab-demiska ay ku geeriyoodeen dab xoogana oo malinimadii shalay ka soconaayay duurka Yarnell Hil waqooyiga magaalada Phoenix.
19kaasi ayaa la sheegay inay dhamaantoo ka wada tirsanaayeen xarun kalya.

Dabkan oo illaa iyo hada la joojin la’a yahay ayaa burburiyey gebi ahaan hal tuulo, waxaana sidoo kale hada qax xoogan ka socdaa tuulooyin kale oo badan oo uu dabkaasi kusoo dhawaaday.

Dabka ka soconay Yarnell Hill ayey wararku shegayaan iney sii xoogeysanayeen saacadahii dambe ee xalay iyadoo dabka uu kusii baahay qeybaha kale.
Dabkan oo illaa iyo hada la joojin la’a yahay ayaa burburiyey gebi ahaan hal tuulo, waxaana sidoo kale hada qax xoogan ka socdaa tuulooyin kale oo badan oo uu dabkaasi kusoo dhawaaday.

Dowlada Maraykanka ayaa amar ku bixisay in dadka ka ag dhaw goobaha uu dabka soo gaaray inay guryahooda isaga baxaan.

Barakac ayaa ka dhashay waqooyiga magaalada Phoenix iyadoo dadka udhow keymaha Yarnell Hill ay bilaabeen iney isaga baxaan xaafadaha ay deganyihiin maadama dabka uusii balaartay.

 

COMMENTS
LINKS