Ceel Sheekh(Wajaalenews);Wafti ka socda ururka dhallinyarada Cismaan Xuseen ee Ceel Sheekh Foundation ayaa safar isugu jira indho indhayn iyo waxtarba ku gaalaa bixiyay deegannada waqooyiga Hargeysa sida:- Ilimaha,Boodaale,Ceel-Sheekh,Ceel la helay,Cabdi Geedi,Qabille, Dhoomaha (Hulka),taas oo ay ugu kuur galeen xaalada nololeed iyo siyaasadeed iyo ta dhaqan dhaqaale ee ka jirta deegaanadaa ka xayiran waxtarka mashaariicda horumarineed ee ka socda wadanka.
wuxuu ururku ku caawiyay tuulada Ceel Sheekh dhisme goob wax barasho ka dib markii ay ka damqadeen waxbarasho la’aanta ka jirta deegaanka ayaa waxay ku caawiyeen in loo kordhiyo dhisme maqsin kaliya ah oo ay Ardaydu wax ku barato iyagoo ku kordhiyay dhisme kale sidoo kale waxay si gaar gaar ah ula kulmeen odoyaasha deeganka iyo u kuur gelidda dejinta xaalada siyaasadeed ee ka jirta deegaanka tuulada Ceel Sheekh waxay ka mid tahay deegaano ka xayirran baahiyaadka aasaasiga ah taas oo aanay helin waxtarkii dawladnimo dhinacyada Caafimaaka,waxbarashada,biyaha iyo xanaanada xoolaha,iyadoo hore ay wasiirka waxbarashadu u dhagax dhigtay iskuul ayaa ilaa imika aan waxba laga qaban,
Gudida Ceel sheekh Foundation ayaa munaasibadaasi ku wareejiyay odoyaasha iyo gudida deeganka agab dhisme oo uu soo maal galiyay ururka kale ee SACO,iyadoo hadalo kooban ay ka soo jeediyeen halkaasi gudoomiyaha ururka iyo odoyaasha gudida tuuladu, ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay gudoomiyaha ururka Ceel Sheekh Foundation mudane Maxamed Yusuf Soofe iyadoo hadaladiisii ay ka mid ahaayeen.
Gudoomiyuhu wuxuu aad iyo aad ugu mahadnaqay soo dhawaynta ay dadka deeganku u sameeyeen isaga iyo gudidii la socotayba, waxa kale oo uu ka hadlay oo uu aad ugu dheeraaday sababaha keenay in ay deeqdan keenaan deegankan Ceel Sheekh, taas oo ay ugu wacan tahay waxtar la’aanta iyo horumar la’aanta baahiyaadka aasasiga ah ee ka jira deegaankan sida: Waxbarashada,Caafimaadka ,Biyaha iyo Xanaannada xoolaha ,
waxaa kale oo uu ka dhawaajiyay gudoomiyuhu in aanay dadka deegaanadaasi helin xaquuqdii wadaninimo ee ay lahaayeen sida ka qayb qaadashada doorashooyinka,kaadhka dhalashada,Talaalka dadka iyo xoolaba.
Gudoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dadweynaha Tuulada Ceel-sheekh inay ilaaliyaan wadajirka iyo wax wada qabsigooda, iyo inay ilaashadaan nabadgalyada deegaankooda, sidoo kale wuxuu u balan qaaday in aanay deeqdani noqon deeqdii ugu horaysay uguna danbaysay isagoo halkaasi ka xusay inay dhawaan gaadhsiin doonaan deeqo caafimaad iyo waxbarsho.
Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay madaxa waxbarashada ee ururka SACO mr. Khadar Axmed Cumar oo ah ururka maalgaliyay deeqdan waxbarasho isagoo ka hadlay muhiimada waxbarashadu u leedahay bini-aadamka, isagoo xusay in wadanka somaliland degaan 200 km ah oo dad degaan ku yihiin aanay ka jirin haba yaraatee wax waxbarasho ahi ay tahay masiibo ku habsatay degaankan, taas oo aan laga helayn deegaannada Somaliland deegaan intaa le’eg oo aan habayaraatee wax waxbarasho ahi ka socon.
Waxaa intaa ka dib hadalka qaatay gudoomiye ku xigeenka tuulada Ceel-Sheekh Cabdi Cumar Guray isagoo kalmado mahadnaq iyo dardaaran ah u soo jeediyay dhalinyarada ururka Ceelsheekh Foudation kana gudoomey deeqdii ay ugu deeqeen.
Iyadoo halkaas ay ka hadleen odayaal farabadan oo ay ka mid yihihiin odayaasha deegaanka oo uu ka mid yahay oday ina waraabe geele (farsama-ruug ) waxa uu sheegay in ay xayirnayd mudo 24 sanno ah oo ay ku soo mareen dad farabadan oo madax ah oo ay ka mid yihiin wasiiro , madaxwayne ku xigeen oo aanay dib ugu soo noqon waxqabdana aanay u fidin , sidoo kale waxa uu u mahad naqay ururka iyo dhalinyarada soo booqatay ee deeqda u siday waxa uu sheegay in ay daranyo hore uga dharagtay oo aanay cidna hore waxba ugu qaban ,hadaladiisa waxa ka mid ahaa “rag wuu dhiman jiray ragna wuu dhalan jiray waxa aan idinku soo dhawaynaynaa cadadka aayadaha quraanka wixii aad noo keenteena waan idinka gudoonay wixii dambe ee aad noo soo wadaana waanu idinka sugaynaa ” sidoo kale waxa ka hadlay oday Adan Soofe oo ka mid ah gudida deegaanka ” waa ciidiinii waa taad u dhalateen , waa taad wax u barateen, waa taad u shaqo tagteen, wixii aad u qaban kartaan waa in aad u qabataan ” sidoo kale waxa ka hadlay jiif caaqil Caydiid Cabdulle isagoo halkaas ka xusay in ay tahay waxtarkii ugu horeeyay ee lasoo gaadhsiiyo deegaanadan, isagoo sheegay in aanay dib waxba uga aqbalayn ballan qaadyada afka ah ee masuuliyiinta dawladda ee loo baahan yahay waxtar muuqda sida dhallinyaradan oo kale.
dhamaan odayaasha deegaankaas waxay u mahad naqeen dhallinyaraddaa is xil qaantay waanay u duceeyeen in ilaahay ka abaal mariyo waxqabakooda , deegaan ahaana ay ugu hayaan abaal weyn.