WAJAALE NEWS

Gari Allay Taqaan: Xaajo Ugub Iyo Mid Curad ah Oo Lagu Soo Dhaqmay Kee Baa Sax Ah In La Qaato?Cali Guray.

Cabdilqaadir Jirde Aw Cali ayaa ka hadlay arintii lagu Muransanaa ee marka Xildhibaanka ugu da’da wayni u tartamayo Gudoomiyaha Golaha aanu isagu noqon karin Gudoomiyaha inta la dooranayo Gudoomiyaha. Wuxu cadeeyay in aanay ahayn arin ugub waxanu keenay in hore ay u soo dhacday 1997kii oo labadii u tartamayayba ay musharixiin ahaayeen oo labadii midna aanu gudoomin intii la dooranayay Gudoomiyaha ee Xildhibaankii sadexaad ee ugu da’da waynaa. Hadii ay taasi dhacday markaa waa arin curad ah oo hore loogu soo dhaqmay waxay noqonaysaa daliilka sharci ee ugu dhaw “legally binding”. Markaa anigu shakhsi ahaan waxa i qanciyay Cabilqaadir Jirde oo aan si fiican u aqaan kuna kalsoonahay waayoaragnimadiisa iyo, aqoontiisa, iyo daacadnimadiisaba. Markaa maaha wax hore loo soo maray Gole cusub oo Kal-fadhigiisa ugu horeeya uu gudoomiyay Xildhibaanka ugu da’da wayn oo isagu u tartamaya jagada Guddoomiyaha.

Markaa gari Allay taqaane arin ugub iyo mid curad ah oo lagu soo dhaqmay waxa sax ah in la raaco ta curadda ah ee hore loogu dhaqmay

 

Siyaasi cali maxamed yuusuf “cali guray”

 

Exit mobile version