WAJAALE NEWS

Faah Faahinta; Dab Ka Kacay Xaafada Liinka Bilayska Ee Badhtamaha Hargaysa Oo Sobobay Dhimashada Laba Caruur Ah Iyo Khasaare Kale.

HARGAYSA(W,N)-Dab xoogan ayaa ka kacay Caawa Fiidkii  guryo  ku yalaa xaafada liinka bilayska ee badhtamaha Magaalada hargaysa ayaa sobobay khasaare iskugu jira dhamashada laba caruur oo ku gubtay guri jiingad oo kamid ah guryihii uu Dabku qabsaday halka uu dad kalena soo gaadhsiiyay dhaawacyo.

Ciidamada dab damiska ayaa gurmad ay ka galeen ku guulaystay in ay bakhtiyaan dabkan oo sobobay khasaate nafeed iyo mid hantiyeed.

Sidoo kale waxaa gurmad lagu bakhtiinayo dabkan ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin xukuumada ka socday maayarka caasimada badhasaabka gobolka iyo taliska ciidanka booliska kuwaasi oo ka hadlay dabkan iyo wado la,aan keentay in ay ciidamadu waayaan meel ay kazoo galaan.

Maayarka caasimada ayaa sheegay in aan la aqbalaynin in cid iska goosato wadooyinka lana waayo meel laga badbaadiyo nafo gubanaya

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

 

Exit mobile version