New York,(W,N) –Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan oo ku sugan magalada New York ayaa kulan gaar ah la qaatay xildhibaanad Ilhaan Cumar oo kamid ah xildhibaanada Minisotta.
Kulankan dhex-maray labada mas’uul ayaa la sheegay in looga wada hadlay arimo muhiim ah oo khuseeya Islaamka iyo xidhiidhka dowladaha Turkiga iyo Maraykanka , xilli hogaamiyayaal badan oo caalamka ah ay ku sugan-yiiin New York.
Faah-faahin dheeri ah lagama bixin kulankan oo la sheegay in uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay ,waxaana uu imaanaya , xilli sidoo kale dowladda uu madaxweynaha ka yahay Trump ay qorshaynayso in dib loo celiyo Muhaajirin badan oo sharciyo aan ku haysan gudaha Maraykanka.