Hargaysa(W,N)-Ugu yaraan 32 qof oo Soomaali ah ayaa habeen hore lagu dilay deegaanka Hawadaay ee bariga dalka Ethiopia.
Dilalkan ayaa daba socda rabshado u dhexeeyay maalmihii la soo dhaafay dadka Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia.
Oramada ayaa ku eedeesay ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Soomaalidu inay dad ka dileen, hase ahaate afhayeen u hadlay ciidamadaasi ayaa laanta afka Oromada ee VOA-da u sheegay inay arrintaasi wax ka jirin.