WAJAALE NEWS

Kulankii Baarlamaanka Somalia Ee Maanta Oo Baaqday

Muqdisho,(W,N)-Gudoonka Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu baaqday kulankii maanta ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kaddib markiii uu buuxsami waayay kooramkii loogu tagalay inuu ku furmo kulanka xildhibaannada baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari, oo jeediyay hadal kooban ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano yimid haddana aan saxeexin buuga taasina ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Ciidamo milateri iyo boolis isuga jira ayaa la soo dhoobay waddoooyinka muhiimka ah ee magaalada iyadoo inta badan waddooyinkuna ay xidhnaayeen maanta.

Xildhibaannada qaar ayaa ku eedeeyay xukuumadda in taasi ay uga gol-laheyd in xildhibaannada ay u suurageli waydo inay yimaadaan dhismaha baarlamaanka.

Sidoo kale weriyayaasha ayey ku adkaatay inay tagaan Xarunta baarlamaanka kaddib markii ay saameyn ku yeelatay waddooyinka xidhan.

Waxaa lagu waday in maanta ay xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya ka doodaan go’aankii 6-dii bishan ka soo baxay golaha wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya ee lagu dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Xildhibaanada Soomaaliya ayaa arrintan si weyn ugu kala ra’yi duwan, iyadoo qeyb ka mid ah xildhibaanadu ay taageersan yihiin go’aanka xukuumadda oo ay sheegeen inay aheyd tallaabo sax ah halka kuwa kale ee ka soo horjeeda ra’yigaasna ay go’aanka Golaha Wasiirada ku tilmaameen inuu ahaa khiyaamo qaran.

Arbacadii ayey aheyd markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay si aqlabiyad ah ku go’aansadeen in dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa mid loo maray sharciga.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qalbi Dhagax uu xidhiidh la lahaa ururka Al Shabaab uuna ka tirsanaa ururuka ONLF.

Goluhu waxa uu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.

Exit mobile version