Hargaysa(Wajaalenews) C/laahi Saleebaan Cali (C/laahi wayso)oo ka mid ahaa xubno miisaan leh oo ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa xabsiga la dhigay Ka dib markii ay ciidanka boolis ah dhex u istaageen xili uu ku socday ka qayb galka xaflad balaadhan oo xisbiga Wadani ku qaabilay maanta siyaasiyiin miisaan leh oo ku soo biiray xisbigaas.
Siyaasi C/laahi Wayso ayaa sida ilo xogogaal ah u xaqiijiyeen shabakadan wararka ee Wajaalenews xadhigiisa loo aanaynayaa in ay ka danbeeyeen maareeyaha wakaalada biyaha Hargaysa oo isagu qayb ka ah xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye oo ay xafladani dhul gariir ku noqotay sidaas darteedna ay u adeegsadeen maareeyaha wakaalada biyaha.