WAJAALE NEWS

DAAWO; Xaabsade. Oo Badka Soo Dhigay Xaalada Dhabta ah ee “Puntland Magac Mooyane Ma Jirto ,Ciidamo Ma Leh ,Maxkamad Maleh ,Sharcina Maleh ”

GAROWE(Wajaalenews)Axmed Cabdi Xaabsade Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland  oo kamida siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka sool lakiinse u shaqo tagay maamul goboleedka Puntland ayaa ka dayriyay awooda malatari ,mida dhaqaale mida maamul ,mida dhaqan ee maamulka puntland ,sidoo kalna waxa uu sheegay in puntland magac uun tahay balse aanay jirin .

https://youtu.be/_VeOincar2Y

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa arrimahani kaga yidhi shirka wada tashiga puntland goob joogna uu ka ahaa hogaamiyaha maamulkaasi Dr.Cabdi wali Gaas waxaanu yidhi “Puntland maanta haykal uun baa ka jiree wax kale ma jiraan ,qolofkaa sarauun , maalintii puntland la dhisay cid waliba wa baqanayeen maantana hoor cidi iska saari mayso Sharci ma jiro oo waa la xooray , nidaam ma jiro ,ciidan ma jiro oo beelaha kala qaatay maanta ciidan qaran oo laysku halyn karaa ma jiro taa ogaada ,isamadii maalinta puntland dhisay maanta ma wada hadlaan ma wada shaqeeyaan mana wada sheekaystaan hadaan isamdii isu iman heshiis nabadeed la heli maayo ,majiro hanti dhawr ,malihin maxkamad dastuuri ah ,ma haysano xisaabiye guud ,mahaysano ciidamo ina difaaca sidee looga hadli karaa gobol maqan ”ayuu hadalkiisii ku soo afmeeray Axmed Cabdi xaabsade .

 

Exit mobile version