WAJAALE NEWS

Tahriibayaal Soomaali Iyo Itoobiyaan Oo Si Ula Kac Ah Loogu Daadiyay Xeebaha Dalka Yemen

_97286256_05df1652-ab0d-4301-ac8e-2dda774057e9

Hargaysa(W,N)-Dadka wax tarhiibiya ayaa si ula kac ah ugu daadiyay xeebaha Yaman muhaajiriin isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga adduunka.

Dadkan ayaa kala saarnaa labo doomood.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in maydadka ilaa 50qof oo kale la helay, halka 50 kalena la la’yahay. Ilaa iyo 180 qof ayaa la aaminsan yahay inay saarnaayeen doontaasi

Guud ahaan dadka labadan doomood la socday ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen ilaa iyo 180 qof.

Hay’adda ayaa sheegtay in Arbacadii la helay meydadka 29 muhaajiriin oo iyagana laga daadiyay doontii ay saarnaayeen.

Dadka masiibadan wax ku noqday oo u kala dhashay Soomaaliya iyo Itoobiya ayay da’dooda u dhexaysaa 16 ilaa 20 sano jir.

Dadkan ayaa rajo ka qabay in ay nolol fiican ka helaan dalalka Khaliijka oo qani ku ah shidaal, iyaga oo sii maraya dalka Yaman oo ay dagaalo ka jiraan.

Dadkii waday tahriibayaasha ayaa lagu warramayaa in ay dib ugu noqdeen Soomaaliya, waxaana loo badinayaa in ay dad cusub kasoo qaadayaan xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Inkastoo xaalada Yaman aysan deganayn, hadana dadka geeska Afrika ka tega ayaa dalkaas tahbriib ku gala.

IOM ayaa sheegtay in ku dhowaad 55 kun oo qof ay ka tageen geeska Afrika iyaga oo aaday Yaman.

Kala badh dadkan da’doodu waxay ka hoosaysaa 18 sano, gabdhaha badaha u badheedha ayaana ka badan wiilsha da’yarta ah.

 

 

Exit mobile version