WAJAALE NEWS

Shirkii Hogaamiyayaashii Hore Ee Qaarada Africa Oo La Soo Gabagabeeyay

Johannesbuerg,(W,N)- Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa ayaa lagu soo gaba gabeeyay kulanka madasha hoggaamiyeyaasha hore ee Qaaradda Africa oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday.

Kulan kaas ayaa intiisa badan looga hadlaayay qodobo ay ka mid yihiin kaalinta Africa ay ka qaadan karto nabadeynta caalamka intiisa kale iyo sidoo kale dhalinyarada Qaarada Africa in loo diyaariyo mustaqbalka hoggaanka qaarada waxna ay ka bartaan hogaamiyaashii hore.

Soomaaliya waxaa kulankaasi ku matalayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa sanad walba qabta Madaxweynahii hore ee dalka Tanzania iyo Madaxweynahii hore ee South Africa, waaana markii ugu horeysay oo kulankaan lagu qabto South Africa.

Exit mobile version