WAJAALE NEWS

Dawladda Kenya Oo Sheegtay In Mid Ka Mid Ah Raggii Weeraray Jaamacadda Garissa In Uu Dhalay Caaqil Shaqaale Dawladeed Ah

Garissa(Wajaalenews) Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya waxay sheegtay in mid ka mid ah raggii qaaday weerarka Garisa uu ahaa wiil uu dhalay nin ka tirsan shaqaalaha dowladda ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Abdirahim Abdullahi waxaa la sheegay in uu bartay sharciga.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay, in Cabdiraxim Cabdullahi, oo sharciga ka bartay jaamacada Nairobi kamid ahaa afartii nin ee weeraray jaamacada Garissa Khamiistii oo ay ku dhinteen 148 qof.

Hadda ayaa la magacaabay inuu ahaa wiil uu dhalay hogaamiye beeleed gobolka waqooyi bari Kenya. Waxaa horay loo sheegay in la waayay, waxaana laga cabsi qabay inuu galay Soomaaliya.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in dhamaan nimankii weerarka qaaday la dilay Khamiistii. Shan kale oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin weerarka ayaa ilaa hadda la xidhay, kaasoo ah weerarkii argagixiso ee ugu waynaa ee lagu qaado Kenya.

 

Exit mobile version