Hargeysa,(W,N) – Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland ayaa soo saartay wareegto Wasiir oo lagu xoojinayo habraacyada Dabagalka iyo Qiimeynta (Monitoring and Evaluation).
Xeerkan ayaa lagu salaynayaa dadaallada lagu horumarinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo waxtarka barnaamijyada horumarineed ee dalka.
Xeerkan cusub wuxuu xoojinayaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda, hay’adaha dowliga ah,kuwa caalamiga ah iyo bahwadaagta horumarineed, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo waxtarka mashaariicda horumarineed.
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa horey u qaadday tallaabooyin lagu xoojinayo nidaamyada maamul iyo horumarineed, waxaana xeerkan cusub uu qayb ka yahay dadaalladaas lagu wanaajinayo qorshaynta iyo qiimeynta mashaariicda dalka.