WAJAALE NEWS

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo dood adag ka Yeeshay Ajandaha Kalfadhigooda 22aad

Hargaysa (Wajaale News)- Golaha  Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somali land fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md:C/raxmaan maxamed C/laahi {c/raxman ciro} ayaa mudanayaasha  golahaasi waxay dood xaasaasi ka yeesheen  Ajandahooda kalfadhiga  22naad oo ay maanta gudo galeen,

mudanayaasha  Golahaasi ayaa u muuqday inay ku kala ragti duwanaayeen  doodoodii  maanta iyadoo Mudanayaasha qaarkood   ay soo jeediyeen in labanlaabo qorshayaasha lagu yaraynayo shaqo la”aanta lagagana hortagayo  Tahriibta ,halka sidoo kalena ay xildhibaanada qaarkood doorbidayeen in kalfadhigan lagaga hadlo xeerka dabogalka iyo dedejinta diiwaangalinta doorashooyinka soo socda .

dhinaca kale xildhibaanadii saaka golahaasi soo xaadiray qaar ka mid ahi waxay dalbadeen in wixii xeerar ah ee Golahaasi horyaal loogu soo horaysiiyo xeerka caasimadda , isla markaana si dhakhso ah loo diyaariyo xeerkii doorashooyinka Baarlamaanka la iskuna bedelo Guddiyada Guddi hoosaadka golahaasi si loo dardargaliyo shaqooyinka Golaasi,waxaanay fadhi dambe u balameen maalinta  bari  ah .

Wajaale News
Hargaisa/Somaliland
Wariye: CabdiQadir  CabdiRaxmaan  Habane

Exit mobile version