WAJAALE NEWS

Hirdankii Labada Xisbi Kulmiye Iyo Wadani Ee Hanashada Gudoomiye Ku Kuxigeenka G, Wakiilada Oo Bedka Soo Dhigtay kala Fogaanshaha Awoodeed.

Hargaysa (Wajaalenews) Khilaaf culus oo ka dhashay doorashadii gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa dhawaan waxaa xal laga gaadhay sidii golaha loogu soo dabaali lahaa is afgarasho kaasi oo ay aad u adkayd sidii tartankaa gudoomiyaha  loogu kala awood roonaaday taasi oo waji kale  u leexisay odoraska siyaasada somaliland iyo wixii laga filanayay xisbul xaakimka Kulmiye oo ku guulaystay 39 cod kale mucaaridkuna ka helay 38 waxayna taasi guul dhow tustay xisiga wadani,

Isu soo noqoshadii labaad ee doorashada gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha ayaa iyadu ahayd mid ka xamaasad badan tii hore iyadoo ay si xoog ah u hirdamayeen labada xisbi ee kulmiye iyo wadani taasi oo keentay in habeenadii u danbeeyay  iyo ilaa saacadihii  ugu danbeeyay aanu marbana istaagin ololaha loogu jiro hanashada gudoomiye kuxigeenka kowaad oo xubnaha u tartamayayna ay ee labada xisbi kale wateen ayaa kasoo jeeday gobolka Awdal.

Dhanka kale  loolanka loogu jiray kursiga gudoomiye ku xigeenka ayaa tijaabo u ahaa  ama bilow unoqonaya  khibrada siyaasadeed ee murashixiinta kala hogaaminaya xisbiyadan aan kor kusoo xusnay iyo dabcan mid walba tiimka  ku xeeran waayo aragnimadooda siyaasadeed oo iyana qayb ka ah guusha xisbiyada kulmiye iyo wadani.

Iyadoo ay xaalada golaha iyo hirdanka xisbiyadu sidaa tahay ayaa waxaa shalay la gudo galay  bilowga tartankii waxaa mudo gaaban gudahood dhankasta ku tanaasulay murashixiintii aan ahayd labada xildhibaan ee finalkii isku soo hadhay,

Halka xisbiga kulmiye uu u tartamay Xildhibaan Axmed Yaasiin sheikh  Cali Ayaanle Iyo Axmed Casood   iyo sidoo kale  Xisbiga Wadani oo uu isna  u tartamayay jagada gudomiye ku xigeenka kowaad xildhibaan Hufane, taasi oo lagu kala badiyay tirooyin xad dhaaf ah oo xisbiga kulmiye ugu awood sheegtay dhigiisa wadani xildhibaan A.yaasin sheikh cali uu helay cod dhan 50 iyo Axmed Casood oo helay Hal cod halka Xildhibaan Hufane uu ka helay 16 cod gudoomiyhuna muu codayn, wadarta guud ee golaha fadhidayna ka dhigaysa 67 xildhibaan.

Codadka ayaa marka loo badalo 100% xisbi kastaa waxa uu helay waxay muujinaysaa in xisbul xaakimka kulmiye helay aqlabiyada golaha iyo 73% halka wadani ka helayo 23% oo ka dhigaysa in lagaga badiyay awood ka badan celcelis ahaan sedex jeer inta uu helay iyadoo fariintani u tahay dhacdooyinkii hore ee golaha ka dhacay kala duwanaanshaha khibrada siyaasadeed ee labada murashaxa iyo dabcan mid walba waayo aragnimda kaambaynka ee siyaasiyiinta u ololaysnaysa wadani iyo kulmiye,

Arintan ayaa waxay jawiga siyaasada  kusoo kordhisay dibadana usoo saartay kala awood roonaanshana xisbiyadan halka xisbul xaakimka kulmiye ka dhigayso in uu mar labaad awooda dalka ku hantiyi karo si fudud iyo adeegsiga khibrada siyaasadeed ee uu u  leeyahay ololaha ku salaysan qabaa,ilka kasbashada codbixiyayaasha gobolada dalka

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga war sigudoonaan hadaba dadaalka labadan xisbi iyo wakhtiga hadhay sida ay u kala hantaan quluubta shacabiga u baahan hogaamiye ka saara dalka gaabka siyaasadeed ee uu ku jiro iyo cadaalada shacbigu in badan raadinayay,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

Exit mobile version