Jabuuti (W,N) Baananka kala ah ICB BANK, EXIM BANK, BANK OF AFRIKA, oo ay wadahsaqayn dhaw lahaayeen Baananka Somaliland ee Dahabshiil iyo Salaama ayaa hakiyey wadashaqayntii ay la lahaayeen, kadib markii culays lagu saaray inaanay xidhiidh la samayn Karin.
Talaabadan lagu hakiyey xidhiidhkii Baanankan ayaa lagu waramayaa inay soo jiitamaysay billihii ugu danbeeyey, taasoo aakhirkii sababtay in uu istaago macaamilkoodii, kadib markii ay baanankaasi joojiyeen inay u diraan lacagihii.
Ganacsatadii Somaliland ee isticmaali jirtay nidaamkan la joojiyey ayuu culays soo food saaray, waxaanay qaarkood raadsadeen fursado kale oo ay lacagahooda ku dirsan karaan.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya kuwooda sharciga dhalashada Jabuuti haystaa inay xisaabo ka furteen dalkaasi, si ay ugu suurtogasho inay la macaamilaan dunida.
Illaa hada lama garanayo qaab kale oo ay Salaama iyo Dahabshiil uga wareegeen xaaladda ka soo food saartay Bankiyada joojiyey wadashaqayntii maadaama ay muddo dheer isticmaalayeen.
Baanka BCIMR, oo laga leeyahay Jabuuti ayaa ka furan Hargeysa, kaasoo ay isticmaalaan ganacsatada qaarkood, waxaanu xidhiidh dheer la lahaa ganacsatada Reer Somaliland, isagoo u dira lacagaha ay wax kusoo iibsadaan.
XIGASHO WAHEEN