WAJAALE NEWS

Shirkadda DAHABSHIIL oo hortaagan in Baanan Caalami ah maalgashadaan Somaliland

Hargeisa(Wajaalenews) ‘Dhaqaalaha wax soo saar ee dal leeyahay, ayaa waxa lagu oggaan karaa qiyaasta isugeynta wadarta guud ee ilaha dhaqaalee dal leeyahay, loona qaybiyayey wadarta guud ee tiradda dadka ku nool dal, taasoo lagu soo saaro dakhliga qof kasta soo gala ama uu soo saaro, sidaa daraadeed, inaga oo ka duulayna cabirka qiyaasta dhaqaalle ee aynu xusnay, ayaa waxa hubaal ah in haddii dalka Somaliland lagu saleeyo cabbirka qiyaasta heerka dhaqaalle ee qaaciidadaas ay soo bixi karto tiro aad u yar, taasina waa arrinta keentay in marka la soo saarayo heerka abla-ablaynta ee kala horreynta dhinaca dhaqaallaha adduunka aynu ka galno kaalmaha u hooseeya ama aynu hoggaanka u qabano liiska kala sarreynta ee dhinaca fuquradda adduunka.

Haddaba, haddii aynu u soo gunddo-degno ararta ujeedada qoraalkan, ayaa wuxuu ku biyo-shubanayaa, iyadoo dalkan aynu ku noolnahay ee Somaliland ay jiraan ganacsato gebi ahaanba gacanta ku dhigay dhammaan adeegyaddii dhaqdhaqaaq ee ganacsiga noocyadiisa  kala duwan.

Sidaa daraadeed, shirkadda Dahabshiil waa shirkad si gaar ah loo leeyahay, waxayna ka shaqaysaa addeegyo kala duwan oo kala ah, xawaaladda lacagaha, keenista raashinka noocyadiisa kala duwan, adeega is gaadhsiinta, adeega internetka, laydhka, dhismaha iyo hudheeladda hurdada, inkastoo aan intaas lagu soo koobi Karin adeegyadda shirkadda Dahabshiil fuliso, balse waxa suurtogal ah inay isku sii balaadhiso siday gacanta ugu dhigi lahaayeen adeegyo kale oo intaas ka badan, taasoo u saamaxaysa fursad toos ah ama gacan ay ka helaan dawladda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo u suurtogeliyey inuu gebi ahaanba ka hor istaago sidii maalgashi loogu samayn lahaa Somaliland, hadday noqoto dhinaca bangiyadda caalamiga ah, xawaaladdaha, kadib markii albaabadda loo laabay shirkaddo hore uga shaqayn jiray adeegyaddan, sida CAC BANK iyo BCIML oo labadooduba ilaa hadda ka dhur-sugaya xeerkii lagu ansixin lahaa shuruucda baananka, taasoo shirkadda Dahabshiil ay u tafo-xaydatay siday u hor istaagi lahayd ansixinta xeerka baananka, iyadoo markasta oo loo dhaqaaqo dhinaca xeerkan ay jiraan kooxo u igman Dahabshiil oo ku shimbiro-waaqleeya fulinta xeerkaas, tusaalle ahaan in Masaajida lagaga khudbadeeyo arrimo la xidhiidha sidii bulshada loogu kicin lahaa hirgelinta xeerka baananka, halka shirkadda Dahabshiil ay kala badh xubnaha golaha Baarlamanka ay gacanta ku hayso, taasoo loogu ballanqaaday gu’no ay si qarsoodi ah u qaataan, iskuna gudbaan markasta oo la isla soo qaado xeerka baananka.

Si kasta ha ahaatee, haddii nidaamkan uu sii socdo, ayaa waxa halis badan soo waajihi doontaa gebi ahaanba dadka ku nool Somaliland oo noqon doona kuwo kaliya manaafacaadsada mushqaayadda maalinlaha ah ee ay bixiso shirkadda Dahabshiil.

Waxa xusid mudan, in haddii la meel mariyo xeerka baananka ay run ahaantii iman doonto fursado kala duwan oo ay manaafacaadsadaan dadka ku nool Somaliland, sida in helaan lacag ammaah ah, shaqo abuur iyo ganacsi xor ah oo dammaanad u noqon kara shirkaddaha caalamiga ah ee danaynaya maalgashiga Somaliland.

 

La soco qayaba dambe……

Exit mobile version