WAJAALE NEWS

“Waddani Waa Isbedel, Kulmiyena Waa Isku Bedel”Hoogamiye Xirsi

Waxaan Socdaal aan ugu kuur galayney habka ay u socoto qaadashada kaadhka codbixiyaha ku soo marnay degmooyinka iyo deegaanada hoos yimaada gobolka Togdheer.

Muhiimada koowaad waa qaadashada kaadhka, marka la gaadho wakhtiga doorashada Waddani ayay ka muuqataa rajidii shacabku ee ku dooro.

Kulmiye malaha barnaamij siyaasadeed, Waddani wuxuu sameeyay sanad iyo badh ka hor Barnaamijkii Aad ku dooran lahayd.

Kulmiye dadka wuxuu u qaybiyay qabyaalad, Waddani qaranimada iyo wadajirka bulshada ayaa u halbeeg ah.

Kulmiye wuxuu leeyahay dadku waa igu khasbanyahay oo abaal iyo hagbad ayaan ku leeyahay, waddani wuxuu leeyahay dadku waa xor ee Xisbiga ay doonaan ha doortaan, Waddani ayaana ugu wanaagsan.

Xisbiga Waddani waxa uu u taaganyahay xaqiijinta himilada umada Somaliland, wuxuu midaynayaa bulshada Somaliland wuxuu la dagaalamayaa musuqmaasuqa.

Waddani qof qof ku bedelimaayo ee wuxuu isbedel ku samayndoonaa hanaanka dawladnimo si wax looga bedelo heer nololeedka bulsho ee aadka u hooseeya.

“Waddani Waa isbedel, Kulmiyena waa isku bedel”

Qolo iska xumi ma jirto, Qolo iska wanaagsanina ma jirto. Cid kursiga mutaysatay oo dadka kale ka mudani ma jirto ee waa loo tartamayaa. Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto iyo in uu wax doorto

Dadkoo Meel U Wada Jeeda Qarankanoo Daawo Wada Qaata

Dariiq Qudha Inay Wada Martoo Daacad Ku Ahaato

Dastuurka Iyo Sharciga Madaxda Laga Dambaynaayo

Difaac Loo Dhan Yahay Ayaa Cududa Iyo Dayr Wax Caabiya

 

HOGAAMIYAHA XISBIGA WADANI XIRSI CALI XAAJI XASAN

Exit mobile version