WAJAALE NEWS

Xirsi Miisaankiisa Shakhsiyeed Doorkiisa Ololaha Waddani iyo Jaraha Uu Wadada Ugu Sii Xaadhey Mustaqbalkiisa Siyaasadeed

Hargaysa(W,N)-Siyaasiga Da,da yar ee Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa siweyn uga soo Dhex mudhey Saaxada Siyaasada Somaliland Tobankii Sano ee U dambeeyay iyadoo siweyn loo daraaseeyay in Muuqashadiisu inta ugu badan salka ku hayso dedaaladiisa Shakhsiga ah ee uu dhabaha ugu jeexay fursadaha uu Siiyey Doorka Dhalinyaradu ku yeelatey Siyaasada dalka oo uu Fure u ahaa intooda ugu badani sidii uu uga Qeyb galiyey Golaha Xukuumadda Mudadii uu Xafiiska Madaxweynaha Doorka ku lahaa. Inkastoo aaney marna ka maqneyn Wakhtiga uu ku lumiyey kasbashada uu dhinaca Bulshada iyo Dhalinyarada kaga kasbadey kalsoonida ay u hayaan oo dabada ku haysa meel marinta axdiga ay wada galaan fulinta balanqaadyada uu lagalo Dhalinyarada iyo dhiirigalinta Qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu kaga faa,ideystey go.aanada nafsaaniga ah iyo xaqiijinta kalsoonidiisa Shakhsiga ah.

 

Somaliland waxa ay Soo martey in Shacbiga Reer intiisa ugu badani siweyn u hadalhayeen tan iyo markii laga soo bilaabo bilawgii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku lahaa kaalin mug leh oo Haseyeeshee,hadalheyntiisu noqotey mid ilaa maanta taagan hadalkaas oo noqdey mid aan marnaba meesha ka bixin Waxa Tusaale u ah Mujaahid Cali Gurey oo kamid ah Ragga sida aadka ah uga hadla arimaha Siyaasada Waxa uu Xirsi ku Sifeeyay nin ka midha dhalin kara go.aanadiisa Shakhsiga ah hadalkaas oo ku beegnaa markii uu Xirsi iska casiley Golaha Xukuumadda isagoo Cali Gurey aad ugu dheeraadey in inta ugu badan ee dhaliilihii uu ujeedin jirey markii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada ay intooda badani ku aadanaayeen sida ay indhihiisu u qaban jireen doorkiisa firfircooni iyo kaalinta uu kaga Dhex muuqdey Golaha Wasiirada laakiin uu Xaqiiqsadey in uu Yahey shakhsi Waxna Diidi kara Go.aankiisana meel marin kara balse aanu Kusii jirista Xukuumadda u ogolaaneynin in uu ugu dulqaato Mabaadiidiisa Mustaqbal ee Dhinaca Siyaasada ku Xidhiidhsan.

Walow ay jireen dad badan oo ku calaamadsadey Go.aankii Madaxweynaha ayuu ka horyimid waxa ay hada usoo noqdeen in Shakhsiyaadkii badelay ay ku guuldareysteen in ay Buuxiyaan kaalintiisii islamarkaana,ay fashilaada Xukuumadu soo gaadhey Wakhti xaadirkan Albaabka Madaxtooyada maadaama ay Xiligan caqabad Weyn ku noqtey Arimaha aan laga fiirsan ee Sexeexa Madaxweynaha lagu fuliyey kuwaas oo ku koobnaa dano Shakhsiyeed balse,aan looga meel dayin Saamaynta ay ku yeelan karaan dad iyo dalba sidoo kalena Xukuumadda laf ahaanteeda u galin karaan Mushkilado qaran oo aan laga dabaalan karin sida Arimaha Xasaasiga ah ee Wacyigan taagan.

Lasoco Qeybta Dambe oo Xiisa leh ololaha Wadani iyo…..

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version