|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waddani Waa Isbedel, Kulmiyena Waa Isku Bedel”Hoogamiye Xirsi
July 12, 2017 - Written by Editor:Waxaan Socdaal aan ugu kuur galayney habka ay u socoto qaadashada kaadhka codbixiyaha ku soo marnay degmooyinka iyo deegaanada hoos yimaada gobolka Togdheer. Muhiimada koowaad waa qaadashada kaadhka, marka la gaadho wakhtiga doorashada Waddani ayay ka muuqataa rajidii shacabku ee ku dooro. Kulmiye malaha barnaamij siyaasadeed, Waddani wuxuu sameeyay sanad iyo badh ka hor Barnaamijkii Aad ku dooran lahayd. Kulmiye dadka wuxuu u qaybiyay qabyaalad, Waddani qaranimada iyo wadajirka bulshada ayaa u halbeeg ah. Kulmiye wuxuu leeyahay dadku waa igu khasbanyahay oo abaal iyo hagbad ayaan ku leeyahay, waddani wuxuu leeyahay dadku waa xor ee Xisbiga ay doonaan ha doortaan, Waddani ayaana ugu wanaagsan. Xisbiga Waddani waxa uu u taaganyahay xaqiijinta himilada umada Somaliland, wuxuu midaynayaa bulshada Somaliland wuxuu la dagaalamayaa musuqmaasuqa. Waddani qof qof ku bedelimaayo ee wuxuu isbedel ku samayndoonaa hanaanka dawladnimo si wax looga bedelo heer nololeedka bulsho ee aadka u hooseeya. “Waddani Waa isbedel, Kulmiyena waa isku bedel” Qolo iska xumi ma jirto, Qolo iska wanaagsanina ma jirto. Cid kursiga mutaysatay oo dadka kale ka mudani ma jirto ee waa loo tartamayaa. Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto iyo in uu wax doorto Dadkoo Meel U Wada Jeeda Qarankanoo Daawo Wada Qaata Dariiq Qudha Inay Wada Martoo Daacad Ku Ahaato Dastuurka Iyo Sharciga Madaxda Laga Dambaynaayo Difaac Loo Dhan Yahay Ayaa Cududa Iyo Dayr Wax Caabiya
HOGAAMIYAHA XISBIGA WADANI XIRSI CALI XAAJI XASAN Related posts:Waanu ku Faraxsanahay Inaanu Hogaamino Siyaasada Geeska Afrika ! Ma Somaliland Ayaa Berbera Saami ka... Daawo: Murrashax Muuse Biixi Oo Soo Bandhigay Qorshihiisa Uga Meel Yaala Dhalinyarada Reer Somalilan... Gudida Qaban Qaabada Soo Dhawaynta Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Shaaciyay Wakhtiga Uu Dalka I... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|