Hargaysa(W,N)-July.17,2017-Wararka soo gaadhay xafiiska warqabadka shabakada wararka Wajaalenews.net ayaa waxay sheegayaan in saaka subaxii hore ay safar ku galeen magaalada Berbera madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” iyo xubno wasiiiro ah oo uu hogaaminayo,kuwaas oo saaka ka baxay Hargeysa.
Safarkan madaxwayne ku xigeenka oo aan la shaacin ayaa waxa xogohu sheegeen in saaka ay u baxeen Berbera isla markaana ay joogi doonaan muddo laba maalmood ah.
Waxaana waftigan ay dhuumasho kaga baxeen magaalada Hargeysa iyaga oo u jihaystay magaalada Berera,waxaana waftigan madaxwayne ku xigeenku hogaaminayo wahelinaya saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Baashe Cawil waa sida ay noo sheegeen dad xog ogaal u ah safarka waftigan ay saaka ku tageen Berbera.
Waxaana wasiirada la socda madaxwayne ku xigeenka kamid ah wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahin Aadan “Qabo” iyo Baashe Cawil oo ah safiirka Imaaraadka ee Somaliland.
Ujeedada socdaalka waftigan oo si rasmi ah u cadayn ayaa hadana xoguhu waxay noo iftiimiyen in uu salka ku hayo hawlo la xidhiidha dekeda Berbera iyo sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda shirkada Dp World iyo shaqaalaha dekeda oo maalmihii u danbeeyey khilaaf ka dhex aloosnaa.
Dhanka kalena waxa iyagu saaka soo gaadhay Berbera waftigii xisbiga KULMIYE ee uu hogaaminayay murrashaxa madaxwayne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,kuwaas oo lagu soo dhaweeyey Berbera.