WAJAALE NEWS

Xukumadda DJabuuti Oo Ganacsade Jaamac Omaar Ku sii Daysay Shuruud Adag

ismaacil cumar gHargeysa-(Wajaale News)-Xukumada wadanka Jabuuti ayaa Axadii shalay ka sii daysay Xabsigeeda Ganacsade Jaamac Omaar oo mudo saddex todobaad ku dhow ku xidhnaa Magaalada Jabuuti.

Ganacsadaha ayaa lagu soo eedayay arrimo la xidhiidha ganacsi sharci darro ah oo uu soo geliyay  wadanka Jabuuti iyo kulamo uu la yeeshay Ganacsadaha weyn ee mucaaridka ku ah Ismaaciil Cumar Geele, ee Cabdiraxmaan Boore  kuwaasi oo uu dibeda kula yeeshay kulamo

Sii daynta Ganacsade Jaamac Omaar ayaa  socotay mudo dhowr todobaad ah iyada oo ay halkaasi tageen 12 Suldaan oo ka tegay Magaalada Hargeysa. Si ay dawlada Jabuuti uga Ergeeyaan sii dayntiisa maadama oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland.

Kulamada ay la yeesheen madax dhaqameedka Somaliland saraakiisha Jabuuti  ayaa la isku afgaran waayay dhowr jeer, balse ugu dambayntii sida ay sheegayaan wararka iyo xogaha la xidhiidha arrintan ganacsade Omaar waxa lagu sii daayay xukun aan Maxkamadi ku ridin oo lagu ganaaxay in uu bixiyo lacag gaadhaysa 10 Million oo Dollar, waxana ugu dambayntii xorriyadiisa loo soo celiyay Ganacsade Jaamac Omaar axadii shalay, ka dib  markii uu aqbalay in uu bixiyo Ganaaxa,

Maaha markii ugu horaysay ee xukumada Jabuuti ee uu madaxda ka yahay Ismaaciil Cumar Geele uu sidan oo kale cadaadis kula kaco Ganacsato asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse ka diwaan  gashan dalka Jabuuti kuwaas oo ganacsi ku leh mandaqada.

 

Markii ay tageen ayay bilaabeen in ay kulamo kala duwan yeeshaan madaxda kala duwan ee wadankaasi kuwaasi oo rabay in ay ku qanciyaan in Jaamac Omaar xabsiga laga sii daayo isla markaana laga joojiyo dhamaan dacwadaha lagu soo oogay, hasa yeeshee madaxda wadanka Jabuuti ayaa in badan ka cago jiiday.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenewa.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version