WAJAALE NEWS

86 Urur Oo Si Dhow Ula Socda Doorashooyinka JSL Oo Badhi-Taaray Digniintii Uu Gudida Anshaxu U Diray Wadani Iyo Kulmiye

“Madasha Bulshada Rayidka ahi waxay canbaaraynaysaa tallaabada ay Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI ku jebiyeen Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyadda Siyaasadda ee Mudada Kaadh-Qaybinta”

Hargeysa (Wajaalenews)- Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan ay dorraa isugu yimaadeen 86 urur oo kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland ka dhisan oo iyagu ku bahoobay Madal kulmisa ayaa waxaa ay ku cambaareeyeen isla markaana ay sheegeen in ay si aan gabbasho lahayn farta ugu fiiqayaan xadgudubyo sharci oo ay labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI u geysteen xeerkii anshaxa kaadh qaybinta ee intii aan la bilaabin hawsha kaadh qaybinta ay sida wadajirka ah qalinka ugu duugeen axsaabta siyaasaddaiyo guddida doorashooyinku. Madashan oo ah mid urrurada xubnaha ka ahi ay ka hawl galaan dhammaanba gobolalda Somaliland islamarkaana  u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ee Somaliland ayaa kulanka ay yeesheen oo ka dhacay xarunta dallada jileyaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF waxaa ay kasoo saareen war-saxaafadeed nuxurkiisu iftiiminayo  habsami u socodka   kaadh qaybinta codbixiyayaasha doorashooyinka iyo weliba warbixino ay goobjoogeyaasha u qaabilsan la socda hawshaasi ay soo diiwaangeliyeen oo nuxurkoodu tilmaamayo dhacdooyin kala dembeeyey oo sababtooda ay dusha u saarayaan labadaasi xisbi. Warsaxaafadeedkan oo nuqul kamid ahi soo gaadhay xarunta wargeyska HUBAAL waxaa isaga oo dhamaystiran uu u dhignaa sidan: “Kulan ay isugu yimaadeen, Madasha Ururada Bulshada Rayidka ah ee arrimaha Doorashooyinka, oo ah madal ay ku midoobeen 86 urur oo ka jira dhammaan Lixda Gobol ee Somaliland, oo ka dhacay Xarunta Guud ee SONSAF 11/07/2017, lagu na falanqeeyay habsami u socodka kaadh qaybinta codbixiyayaasha doorashooyinka.

 

 

 

Waxa ka soo qaybgalayaashu si mug leh u qiimeeyeen hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee wakhtigan kaadh qaybintu socoto. Madashu waxay isla maalintaa la kulmeen masuuliyiinta Xisbiga UCID, iyaga oo dhagaystay cabasho ay ka muujiyeen hab dhaqanka labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI intii ay bilaabantay kaadh qaybinta Codbixiyaasha Doorashooyinku.

Haddaba, goob-joogayaasha Maxaliga ah ee Bulshada Rayidka ah ee sida dhow ula socda hawsha kaadh qaybinta ee Gobolada Maroodi jeex iyo Togdheer waxay diiwaan geliyeen dhacdooyin kala dambeeyay oo labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ay si cad oo aan gabbasho lahayn ugu xad-gudbeen una jebiyeen Qodobada 3aad, 6aad iyo Qodobka 7aad Faqradihiisa 13aad iyo 14aad ee Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee wakhtiga Kaadh-qaybinta, kaas oo ay kala saxeexdeen Xisbiyada iyo Guddida Doorashooyinka Qaranku bishii, Afraad, 23 keedii, 2017.

Madasha Bulshada Rayidka ah ee Arrimaha Doorashooyinka ee Somaliland waxay canbaaraynaysaa tallaabada ay ku jebiyeen Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyadda Siyaasadda ee Mudada Kaadh-Qaybinta Codbixiyaha.

Madasha Bulshada Rayidka ee Arrimaha Doorashooyinku waxay ugu baaqaysaa Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI in ay joojiyaan ku xad-gudubka Xeerka Habdhaqanka Xisbiyadda Siyaasadda ee muddada Kaadh-Qaybinta Codbixiyaha, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan xayndaabka Xeerka.

Madashu waxay u soo jeedinaysaa Xisbiyada Qaranka, inay ka fogaadaan wax kasta oo u muuqan kara inuu ka hor imanayo xeerarka doorashooyinka iyo diiwaangalinta  codbixiyayaasha gaar ahaana Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr, 37/2014, Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka Xeer Lr. 20/2001 ee wax- ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay 2017 iyo Xeer hoosaadka Habdhaqanka Xisbiyadda Siyaasadda ee Mudada Kaadh-Qaybinta Codbixiyaha.

 

Madasha Ururada Bulshada Rayidka ah ee Arrimaha Doorashooyinka”

 

Exit mobile version