WAJAALE NEWS

Komishanka Doorashooyinka Oo Kala Diray Agabkii Iyo Shaqaalihii Kaadh Qaybinta Ee Gobolada Awdal, Togdheer Iyo Maroodi Jeex.

HARGAYSA(W,N)-Komishanka doorashooyinka qaranka oo ay weheliyaan wakiilada xisbiyadu ayaa galabta kala diray shaqaalihii iyo agabkii ka hawlgalayay kaadh qaybinta codbixiyayaasha ee gobolada Awdal ,Togdheer Iyo Maroodi jeex oo ay ka bilaabmayso 31 bishan.

Sidoo kale masuuliyiinta komishanka ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codbixiyayaasha oo muhiim u ah doorashada iyo in ay doortaan qofka ay u arkaan uu gudan karo xilka qaranka ee loo dooranayo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version