WAJAALE NEWS

Wasiirka Macdanta Iyo Tamarata Somaliland Oo Tilmaamay In Deeqaha Caalamku Bixiyaan Ay Yihiin Habaar Dhibaato Ugeysta Dalalka Afrika

Xuseen Cabdi Ducaale sheegay in dalka Somaliland hodan ku yahay khayraad dihin oo aan weli dibada loo soo saarin, isagoo xusay inay dawladda Somaliland tusaale u tahay in dal waliba gacantiisa wax ku qabsan karo, iyadoo aanay wax faa’iido ahi ku jirin kaalmo dibadeed oo la helo.

Cape Town (Wajaalenews)- Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa lacagaha deeqaha ee dunidu bixiso ku tilmaamay inay yihiin shay habaar ah oo dhibaatooyin u gaysta dalalka la siiyo, isagoo xusay in dalka Somaliland yahay mid ka fayow kaalmada caalamiga ah ee dhibaatooyinka wata.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika kaga qaybgalaya shir lagaga hadlayo khayraadka dabiiciga ah ee qaarada Afrika, ayaa waraysi uu siiyey wakaalada wararka caalamiga ah ee Reuters ku sheegay in aqoonsi la’aantu sababtay in aanay Somaliland dalalka adduunka ka helo deeq iyo kaalmo toos ah, isagoo xusay deeqdaasina tahay dhib ka maqan Somaliland.

“Caawimadu weligeed wax horumar ah ma keento, waana cunaqabatayn la haddoodilay, lacagaha kaalmada

ahina maaha dawo xal lagu gaadho…markaa annagu wax yar mooyee ma jirto deeq caalami ah oo aannu toos u helno. Imisa wadan oo Afrikaan ah ayaad garanaysaa oo horumar ku gaadhay gargaar badan oo la siiyo? (Gargaarkaasi) waa habaar, iyadoo dalalka gargaarka ugu badan helaa yihiin kuwa ugu dhibaatooyinka badan,” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland.Xuseen Cabdi Ducaale sheegay in dalka Somaliland hodan ku yahay khayraad dihin oo aan weli dibada loo soo saarin, isagoo xusay inay dawladda Somaliland tusaale u tahay in dal waliba gacantiisa wax ku qabsan karo, iyadoo aanay wax faa’iido ahi ku jirin kaalmo dibadeed oo la helo.

“Waxa aannu ku soconaa qorshahayaga noo yaal, waxa aannu haysanayaa dadkayaga iyo madaxdayada, annaga ayaa sare isku soo qaadnay oo wax qabsanay, iyadoo aannu dhexda u xidhanay, kabahana u giijisanay horumar,” ayuu yidhi wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, isagoo xusay in Somaliland aanay galaan-gal badan u helin suuqyada deeqaha lagu bixiyo ee caalamka, sidaa darteedna aanay jirin cid xilligan wax dayn ah ku leh, balse ay isku kalsooni iyo isku duubni ku gaadhay horumar iyo deganaansho.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version