WAJAALE NEWS

Muj,Cali Guray Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Musharaxa Xisbiga Wadani Iyo Hogaamiye Xirsi

cali-guray

 

Hargaysa(Wajaalenews)-Muj.Cali Guray Oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa weerar dhinaca afka ah kuqaaday musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Ciro Iyo sidoo kale hogaamiyaha xisbigaas Xirsi Cali Xasan oo uu sheegay in ay yihiin laba xubnood oo qaranka wax ka gaystay oo la ogaa, waa sida uu hadalka udhigayee.

Waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu qoraal kooban soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebooka oo u dhignaa sidan:

EE GARANAYAAN AHAY HALKIYO
GEELLE HAAD QOYAYE
Ninka Cirro iyo Xirsi oo inta ay xil qaran hayeen iyo wixii dhacayba la og yahay ka dhigaya ceeb ka saliim aan musuqmaasuq lug ku lahayn ee Muuse oo laba sanadood oo keliya xil u hayay qarakana ku moosaya musuqmaasuqa uu u diiday labada aan sheegay Allahayow cadaalad yaraa! Mise waa wiil yar oo waa dhawaan soo bax caydin ah oo aan wax badan ogayn. Waxa ka yidhi hadaad sabatawayn joogto himiladaada badh baa la qarsadaaye hadii aad… loox yare tahay badka la isma soo wada dhigo. Oo qof aan wax badan ka aqoonin looma soo bandhigo dad kaa yaqaan ilayn ka joog baa lagu odhan eh. Haddiise waxaba runta laga wada sheego saw af kala qaad noqon mayso. Cirro iyo Xirsina waan amaanayaaye iga qaata oo ku qaata Muusena waa gudaafad baan odhanayaaye ma shaqaynayso. Ma gef baa hadii loo ogolaado in ciddii uu amaananyo amaanto oo loo ogolaado inu hadana yidhaa iigu dara dhiidhii iyo dheeraad. Musharaxaaga amaano oo run iyo beenba ku amaano kuguma haysto eh kaygana waxba faanin maayo eh hadii aad wax ka sheegayso wax run ah io aan kugu soo noqon ka sheeg taana waan kuu ogokahay oo ka daafici maayo eh laakiin wax aan is lahayn iyo dad aan musuqmaasaqoodu isu dhigmi karin intaad kuwaaga ka soo dul qaado ka kale u xambaariso dee qofna laga siisan maayo oo anigana la iga siisan maayo

 

 

 

 

Exit mobile version