WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Abaalmarino Qaaliya Gudoonsiiyay Ardaydii (𝐰𝐒𝐒π₯𝐚π₯ 𝐒𝐲𝐨 π‘πšπ›π₯πšπ›πš) Ee Ugu Sarreeyey Tartanka Xifdiga Qur’aanka kariimka ah

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Hargeysa, 13.03.2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaaΒ  AbaalmarinoΒ  kale duwan oo qaali ah guddoonsiiyey Ardaydii (𝐰𝐒𝐒π₯𝐚π₯ 𝐒𝐲𝐨 π‘πšπ›π₯πšπ›πš) ee ugu sarreeyey Tartanka Xifdiga Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan.

Munaasibadda Abaalmarinta Sannadlaha ah ee Tartanka Qur’aanka Karriimka ah ayaa lagu qabtay Xarunta Qasriga Madaxtooyada JSLΒ  waxaanaΒ  ka soo qayb galay dad ka badan 400 oo qof oo isugu jira Culimada Dalka oo ka yimid dhammaan 6-da Gobol, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaano, Ardayda Quraan Xafidka ah wiilal iyo hablaba iyo Marti sharaf kale.

Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaaΒ  halkaasi ka jeediyey hadal qoto dheer oo kaga xog warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Tartanka Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan, isaga oo xusay in tartankaasi uu socdayΒ  muddo ka badan 3 bilood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa mid mid u gacan qaaday Da’yarta Xufaada Qur’aankaKariimka ah, waxana uu guddoon siiyey Abaamarino qaali ah oo ay mutaysteen oo ugu horreeyo furaha baabuurka cusub ee uu ku guulaystay ardayga kaalinta koowaad ku guulaystay waxaanu uu dayarta Eebbe uga baryey inuu ka abaalmariyo Qawlka Allah ee ay quluubtooda ku xifdiyeen.

Dhanka kalena taariikha markii ugu horraysay Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa abaalmarin dahab guddoonsiiyey ardayadii ugu saraysay hablaha ee ku guullaysatey Tartanka Xifdiga Qur’aanka karriimka ah ee bisha Ramadaan.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha JSL ayaa kullan ballaadhan la yeeshay Culimada waaweyn ee JSL, halkaana ka jeediyey khudbad soo jiidatay quluubta Culimada.

Culimadii ka hadashay kulanka ayaa iyagaguna dhankooda si weyn ugu duceeyey Madaxweynaha, dalka iyo dadka JSL. Culimada ayaa dhammaan bulshada reer Somaliland kula dardaarmay in ay si buuxda ula shaqeeyaan Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Exit mobile version