WAJAALE NEWS

Gabadh Muslimad Ahyd Oo La La’aa Oo Maydkeeda Laga Helay Gobolka Virginia Ee Maraykanka

Virginia(Wajaalenews) –Booliska Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in xalay la helay meydka gabadh Muslimad aheyd oo la afduubtay kadibna la dilay.

Meydka gabadha ayaa lagaga tagay Masjid ku yaalla nawaaxiga Sterling. Ciidamada Booliska ayaa hadda waxaa ay gacanta ku hayaan nin 22-jir ah oo lagu magacaabo Darwin Martinez Torres, kaas oo lala xidhiidhiyay dilka gadhaasi.

Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabra Hassanen waxaana ay aheyd 17-sano jir.

“Nabra waxaa ay lugeyneysay dhabarka dambe ee xaruunta ADMS, gaar ahaan Masjidka meel aan ka fogeyn, waxaana ay la socotay saaxiibadeeda, musiibadana halkaasi ayeey ku qabsatay”, qof saaxiib la ahaa Nabra ayaa sidaasi yidhi.

Ciidamada Police-ka ayaa markii ay heleen meydka waxaa ay xidheen inta u dhexeeysa waddooyinka Dransville Road, 7 shopping center and Sugarland Road.

Exit mobile version