WAJAALE NEWS

Jaamacada Hargeysa Oo laga Bilaabay Imtixaanka Shahaadiga Iyo Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Oo Soo Kormeeray.

Hargeysa (Wajaalenews) Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin Ayaa soo kormeeray imtixaanka jaamacada hargeysa oo saaka si rasmiya uga bilaabmay xarunta jaamacada Hargeysa .

Wasiir ku xigeenka waxaa uu soo kormeeray dhamaan fasalada ay imtixaanadu ka socdaan.Markii uu kormeerkaasi soo dhamaaday waxaa sida uu imtixaanku usocdo faahfaahin ka bixiyay gudoomiyaha jaamacada hargeysa Mudane Mahdi Cismaan Buuri oo sheegay inay ku faraxsanyihiin sida uu imtixaanku u bilaabmay isla markaana xusay ardayda imtixaanka meesha ku galaysa iyo amniga jaamacada.

 

Geesta kale wasiir ku xigeenka oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadnaqay waalidiinta iyo maamulka jaamacada ee sida waddajirka ugu diyaar garoobay in ay ardaydu imtixaanka galaan isagoo maamulka jaamacadana ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay imtixaanka ku bilaabeen.

Halkan hoose ka daawo warkan oo faahfaahsan.

Exit mobile version