WAJAALE NEWS

Eng”Faysal Cali Waraabe Iyo Cali Khaliif Danta Ka Dhaxeesa Maxay Ahayd ? W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE)

Waxaa Mudooyinkan  socdaal ku Marayey Gobolada Somaliland Madaxwaynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Iyo Eng.faysal Cali Waraabe  ka dib wada hadalo dheer oo dhexmaray gudiyo kala Matalayey Dowalda Somaliland iyo Khaatumo kaa soo ka qabsoomay Imaaraadka qodobadii ay la shir yimaadeen labada dhinac inbadanoo ka mida ay is afgarad ku dhamaadeen , Sidoo kale waxa gudida ka mid ahaa Gudoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo kaalin wanaagsan ka ciyaaray shirarkii ka qabsoomay isutaga Imaaraadka iyo jabuuti  sidoo kale faysal cali waraabe ayaa dhawanaahan la soo baxay dardar siyaasadeed iyo hadalo  Mug leh oo aad u qiima badan taasoo bulshada reer somaliland aad ula dhaceen waxa uuna ka codsaday shicibka reer Somaliland in codkooda ay ku hubsadaan Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid.

Dhawaan ayey ahayd  Gudoomiyaha ahna murashaxa madaxweyne ee xisbiga ucid eng.Faysal Cali Waraabe iyo Hogaamiyaha Khaatumo Proff.Cali Khaliif Galaydh iyo xubno kamida Gudida Wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo booqasho ku tageen Gobalka Awdal .

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Iyo Madaxwaynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Ayaa dhowr kulan ku yeeshay  Magaalada Dubai Ee Imaaraadka Carabta.

Sidoo kalena  Magaalada laascaanood ee xarunta gobalka Sool si Wada jira loogu soo dhaweeyay .

Waxaa habeeno dhawayto la arkayey Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh  oo dhex tamashleenaya Faras Magaalaha Soomaliland ee  Hargeisa .

Hadaba su’aashu waxay tahay Malaga yaabaa labadaa masuul inay ku

heshiiyaan in uu cali khaliif Noqodo Musharaxa madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga ucid ?

Maadaama mar su’aal la weydiiyey faysal shuruudaha ay kooxda khaatumo ku xidheen Wadahadalada somaliland iyo khaatumo ayaa ku jawaabay , ilaa hada ma jirto waxaanu isla diidanahay marka laga reebo Xilal ay Cod sadeen in loo Magacaabo kuwaasoo ah Madaxwayne ku Xigeen, Gudoomiye baarlamaan iyo qaar kale oo la mid ah walina ma dhamaan Wada Xaajoodkii ayuu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku soo gunaanaday hadalkiisii,  hadii uu ku guulaysto Eng. Faysal Cali Waraabe Hiigsigiisa ah Inuu Proffesorka  Ku  qanciyo inuu kamid noqdo Xisbiga Ucid waxay u noqonaysaa guul u soo hoyotay murashaxa iyo Xisbiga Ucid  .

Hadiiba la soo afjaro khilaafka Gobolada bariga iyo kooxda khaatumo ayaa waxay somaliland u dhaqaaqaysa wado kale iyo jawi cusub oo hor Seedi kara aqoonsi buuxa oo ay ka hesho beesha caalamka.

Sidoo kale waxaa in badan iska badali doona doorashada dhici doonta bisha kow iyo tobnaad hadii uu Madaxweynaha Khaatumo Cali khaliif uu ku soo biiro Siyaasada somaliland gaar ahaan Xisbiga Ucid Taasoo yeelan doonta xamaasad ka duwan doorashooyinkii hore ee ka dhacay Somaliland Hadaba waxaynu sugnaa waa Siyaasada Eng.Faysal Cali Waraabe uu la iman doono doorashada inagu soo socota .

Shaamcade2015@gmail.Com

 

Exit mobile version