WAJAALE NEWS

Wajigii Sadexaad Ee Wadahadalkii U Socday Somaliland Iyo Khaatumo Oo Maalinka Bari ah Ka Furmaya Dalka Jabouti Iyo Cali Khaliif Oo Hada Ka Duulaya Laascaanood

Hargeysa(Wajaalenews)Wararka aan helayno ayaa waxay shegayaan in maalinka Barri ah oo Isniin ah la filayo inuu dib u furmo wajigii Saddexaad ee wada hadaladii u socday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo kaas oo loo balamay in uu furmo 20 Bishan aynu ku guda jirno ee March oo ku beegan maalinka Barri ah.

Waxaana wararka naga soo  gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool  ay sheegayaan in horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh iyo wafti uu  hogaaminayo ay hadda ka duulayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood halkaas oo ay ka qaadayso diyaaradd khaas ah oo ay usoo dirtay dawlada Jabuuti.

Wada hadalkan ayaa waxa uu ka furmayaa wajigiisan Saddexaad dalka Jabuuti,waxaana sidoo kale la filayaa in xubnihii dawlada Somaliland uga qayb galayey wada hadalkaasina ay maanta ka duulaan magaalada Hargeysa iyaga oo kusii jeeda dalka Jabuuti,waxaana xusid mudan in waftigan ay hogaaminayaan dhanka Somaliland gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire kuwaas oo labadooduba ay safar ugu maqan yihiin dalka dibadiisa,balse xoguhu waxay noo sheegeen in ay toos uga dagi doonaan Jabuuti.

Wada hadalkan lagu wado inuu barri u furmo Kooxda Khaatumo iyo Dawlada Somaliland ayaa waxa la filayaa inay kasoo baxaan  qodobo muhiiim ah kuwaas oo ay bulshada Somaliland u wada dhag taagayaan natiijada kasoo baxda  wada hadalkani.

Gabagabadiina dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa waxa hore  u dhex maray wada hadalo laba jeer ahaa kuwaas oo ku dhex maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya waxaana kasoo baxay qodobo dhawr ah,waxaana lagu wadaa in wada hadalkana uu noqdo kii lagu soo gunaanadayey wada hadalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo u  bilaabmay.

 

Exit mobile version