Akhristoow maxaad ka taqaan haweeneyda ku caan baxday faafinta ceebaha ninkeeda leyla daraabulis waxay ahayd xaaskii madaxweynihii dalka Tuunis xabiib burqiiba markii uu jilcay xanuuna ku habsedey xabiib burqiiba layla daraabulis waxay la heshiisey dhawr nin oo ku jirey xukuumadii xabiib burqiiba waxaana ka mid ahaa siinal caabidiin oo ay layla daraabulus ka dhigtey ninka dalka Tuunis ugu awooda badan.
Layla daraabulis waxay ahayd sanadahii sedeetamaadkii qofka loogu hadal haynta badan yahay dalka Tuunis, waxaanay ogeyni intabadan dalka Tuunis kamay dhici jirin, ugu dambayntiina waxay hoos u guursetey ninkii ay samaysey ee siinal cabidiin, geeridii xabiib burqiiba ka dib waxa dalka Tuunis madaxweyne ka noqday siinal caabudiin oo xaas kiisana ay tahay layla daraabulis mudo dheer ayaanay dalka Tuunis ku xukumayeen nidaamka keli talisnimada ugu dambayntiina gadood kii shacbi ee dalka Tuunis ka dhacay ayaa lagu khaarajiyey siinal caabudiin iyo layla daraabulis imikana waxay qaxootinimo ku joogaan dalka sucuudiga magaalada jida.
Qalinkii; Cali cismaan Cabdi libaax (cali xaraaro)