Hargeysa(W,N):-Guddida doorashooyinka somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay tirada rasmiga ah ee isku diwaan geliyey doorashooyinka soo socda.
Guddida doorashooyinka oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka codayn doonaa ay noqon doonaan tirada qaadata kaadhadhka rasmiga ah ee la bixin doono.
Sidoo kale waxay sheegeen in dadka is diwaan geliyey loo qaybin doono kaadhadh cusub oo ay ku codeeyaan kuwaas oo cadeeyeen inay qaybintooda bilaabi doonaan 29/04/2016.
Halkan Ka Akhriso Tirada Isku Diwaan Geliyey Doorashada Ee Heer Gobol Iyo gud ahan somaliland
Gobolka Maroodijeex: 312, 634 Qof
Gobolka Saaxil: 78,842 Qof.
Gobolka Togdheer: 178,506 Qof.
Gobolka Sool: 71,096 Qof.
Gobolka Sanaag: 85,222 Qof.
Gobolka Awdal: 147,031 Qof.
Wadarta guud ee dadka isdiiwaan galiyay guud ahaan Somaliland ayaa ah : 873,331 Qof.