Waxa Maanta Shil Gaadhi Oo Naxdin leh Ka Dhacay Kaantaroolka bari ee magaalada Hargaisa halkaas oo ay ku nafwaayeen 5 ruux,halka ay ku dhawacmeen tira kalena ,shilkan ayay sobobeen ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi.
Dhinaca kale madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud Silaanyo ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ay ka geeriyoodeen shantan ruux ee ku nafwaayay, isaga oo madaxweynuhu ilaahay uga baryay in janadii fardawasa ilaahay ka waraabiyo shilkan sida ay tibaaxayaan qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada C/raxmaan Sh. Cilmi Faahiye (shamax)