WAJAALE NEWS

Halkan ka Akhri; Abwaan Weedhsame Oo Maanso Dareenka Bulshada Taabanaysa kaga fal Celiyay Dhacdadii Shalay Ee Golaha Baarlamaanka,

“Caku Mudanahaygii Mooryaantu Dhaantoow”. Abwaan Weedhsame

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame oo kamida hal abuurka dalka somaliland ismarkaana Ah shaqsiyaada sida wadaniyada leh ugu dhiidhiya waxkasta oo kazoo horjeeda danta shacabka soomaliland iyo hooyada  danyarta ah ee la daalaadhacay marxaladaha nolosha ayaa maanso qiiro leh oo uu ku tilmaamayo jidka khaldan ee ay qaadeen xildhibaanadii ay umadu soo dooratay iyo dhacdooyinka foosha xun ee ay ku kacayaan kuwii umada hormoodka looga dhigay

HALKAN KA AKHRI MAANSDAN OO SI DHABA UGA HADLAY DHAQAMADA XILDHIBAANADA SOMALILAND

Caku mudanahaygii

Mooryaantu dhaantoow

Dhiig miirtihiiyoow

Kii loo mashxaradee

Isna nagu maqnaayee

Quus nagu macsuumoow.

Maxastiyo Adduunkii

Macaluul ku nooshiyo

Wadhatada miskiinta ah

Laga faro maroojiyey,

Sawtaad malaayiin

Moohaar ku gurateen,

Iimaan macbuud baa

Uur madhane buuxshee

Xaaraanta maandhoow

Ma mahadin hortaa jire.

Milladii islaamkiyo

Dhaartaad marteeniyo

Xaqa muuminiintiyo

Ducadii madluunkee

Toos loo maqlaayiyo

Mawdkiyo xabaashiyo

Munkar iyo nakiiriyo

Qabrigii madoobaa

Ee maro cad mooyee

Maal lala tegayniyo,

Muduciga qiyaamaha

Maxkamada ilaahay

Kugu maadsanaayiyo

Xaaraanta maandhoow

Cishadaa macaanayd

Muruqaad ku xoogtiyo

Midigtaad ku taabtiyo

Dhuuntii ad marisaa

Kugu marag furaysiyo

Mustafaha warkiisii

Moogaha illaawoow

Magac dhawristiiyo

Dhaqankii masuulnimo

Xil kaskiyo marwaadkii

Maydhaamihiiyoow,

 

Exit mobile version