|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan ka Akhri; Abwaan Weedhsame Oo Maanso Dareenka Bulshada Taabanaysa kaga fal Celiyay Dhacdadii Shalay Ee Golaha Baarlamaanka,
February 13, 2017 - Written by Editor:“Caku Mudanahaygii Mooryaantu Dhaantoow”. Abwaan WeedhsameAbwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame oo kamida hal abuurka dalka somaliland ismarkaana Ah shaqsiyaada sida wadaniyada leh ugu dhiidhiya waxkasta oo kazoo horjeeda danta shacabka soomaliland iyo hooyada danyarta ah ee la daalaadhacay marxaladaha nolosha ayaa maanso qiiro leh oo uu ku tilmaamayo jidka khaldan ee ay qaadeen xildhibaanadii ay umadu soo dooratay iyo dhacdooyinka foosha xun ee ay ku kacayaan kuwii umada hormoodka looga dhigay HALKAN KA AKHRI MAANSDAN OO SI DHABA UGA HADLAY DHAQAMADA XILDHIBAANADA SOMALILAND Caku mudanahaygii Mooryaantu dhaantoow Dhiig miirtihiiyoow Kii loo mashxaradee Isna nagu maqnaayee Quus nagu macsuumoow. Maxastiyo Adduunkii Macaluul ku nooshiyo Wadhatada miskiinta ah Laga faro maroojiyey, Sawtaad malaayiin Moohaar ku gurateen, Iimaan macbuud baa Uur madhane buuxshee Xaaraanta maandhoow Ma mahadin hortaa jire. Milladii islaamkiyo Dhaartaad marteeniyo Xaqa muuminiintiyo Ducadii madluunkee Toos loo maqlaayiyo Mawdkiyo xabaashiyo Munkar iyo nakiiriyo Qabrigii madoobaa Ee maro cad mooyee Maal lala tegayniyo, Muduciga qiyaamaha Maxkamada ilaahay Kugu maadsanaayiyo Xaaraanta maandhoow Cishadaa macaanayd Muruqaad ku xoogtiyo Midigtaad ku taabtiyo Dhuuntii ad marisaa Kugu marag furaysiyo Mustafaha warkiisii Moogaha illaawoow Magac dhawristiiyo Dhaqankii masuulnimo Xil kaskiyo marwaadkii Maydhaamihiiyoow,
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|