WAJAALE NEWS

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Amaanka Cali Khaliif Galaydh Iyo Xubnihii Wada Hadalka Kula Jiray Somaliland Oo Cabsi Soo Food Saartay

Buuhoodle(Wajaalenews)Febarwari.22,2017-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad ciidamo hubaysan ah ay rasaas ku fureen Kayse Cabdi Yuusuf oo ah ninka wasiirka amniga ugu magacaaban Kooxda Khaatumo kaasi oo kamid ahaa xubnihii Kooxda Khaatumo uga qayb galay wada hadalkii dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaaatumo ugu soo dhamaaday dalka Jabuuti.

Kayse Cabdi Yuusuf ayaa markii rasaasta ay ciidamadan ku fureen waxa uu ku sugnaa deegaanka Widh-widh oo ka tirsan gobolka Sool,waxaana sababta ay u rasaaseeyeen ay tahay sida la sheegay in ciidamadan loo sheegay in madaxda kooxda Khaatumo ay dalka Jabuuti kasoo qaadeen lacag Mushahar ah oo dawlada Somaliland ugu talo gashay ciidamada Prof Cali Khaaliif Galaydh taabacsan  isla markaana usoo dhiibtay xubnihii Khaatumo u matalayey wada hadaladii dalka Jabuuti ugu soo dhamaaday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo kaas oo uu  kamid ahaa Kayse Cabdi Yuusuf oo kooxdaasi ugu magacaaban Wasiirka Amniga Khaatumo.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay rasaastaasi ay ciidankaa Maleeshiyaadka ah kusoo fureen Kayse Cabdi Yuusuf oo hore u ahaa wasiiru dawlaha Nabadaynta gobolada Bariga Somaliland balse hadda kooxdaasi ugu magacaaban wasiirka Amniga.

Sidoo kalena wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee gobolka Sool ay la wareegeen amaanka horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh,kaas oo looga cabsi qabay in ay maleeshiiyaadkaasi weerar qorshaysan kusoo qaadaan.

Gabagabadiina tan iyo markii wada hadalku dalka Jabuuti ugu soo dhamaaday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa waxa deegaanada gobolka Buuhoodle laga dareemayaa faro galin qaawan oo maamulka Puntland ay ku hayaan deegaanada gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn isla markaaana ay ku damacsan yihiin in ay ku wiiqaan amniga Somaliland

 

 

Exit mobile version